Dad ka badan 60 qof oo qaraxyo lagu dilay dalka Ciraaq

Image

06 Octobar, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya dalka Ciraaq ayaa sheegay in dad gaaraya 60 qof siyaabo kala duwan loogu dilay qaraxyo ka dhacay dalkaasi, halka dhaawacu gaaray goobaha qaybtood 50 qof.

Gaawaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ku qarxay goob saxmad badan oo ku taalla gobolka xagga bari ee Diyala, waxaana ku dhintay 40 qof halka la dhaawacay 50 ruux.

Magaalada Baqdaadna, Boolisku waxay sheegayaan in gaari waxyaabaha qarxa waday uu 13 qof ku dilay xaafadda Xuseeyniya.

10 qof oo kale ayaa lagu dilay bam lagu weeraray waddo ku taalla Al-Zubair ee dalka Ciraaq.

Dhinaca kale, wararka ka imaanaya magaalo u dhow Basra ayaa la sheegay inuu ka dhacay weerar dad ku dhinteen, goobtaasi waxay ahayd meelaha uusan ka dhicin rabshadaha ka socda dalka Ciraaq.

Qaybo ka mid ah khasaaraha ka dhashay weerarada Ciraaq waxaa sheegtay ururka islaamiga ah ee ka dagaalamada qaybo ka mid ah Bariga dhexe ee ISIS.

GAROWEONLINE

Related Articles

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM