Dad ku dhintay dhul-gariir culus oo ruxay Croatia

Image

ZAGREB, Croatia – Dhulgariir xoog leh oo ka dhacay bartamaha Croatia ayaa dilay ugu yaraan toddobo qof, in ka badan 20 way dhaawacantay wuxuuna sababay bur bur baaxad leh oo ka dhacay Petrinja, oo ah degaan ku yaala koonfur-bari ee caasimadda Zagreb.

Dhulgariirkii Talaadada, oo jaray khadadka taleefannada geliyeyna dadka reer Croatia xaalad argagax ah, ayaa laga dareemay waddanka oo dhan, deriskooda Serbia, Bosnia iyo Herzegovina si lamid ah illaa fog caasimadda Austria, Vienna. Wuxuu ahaa dhulgariirkii labaad ee ka dhaca aagga maalmo gudahood.

Wasiirka Difaaca ee Croatia Tomo Medved oo warbaahinta maxalliga ah u waramay ayaa wuxuu xaqiijiyey lix dhimasho.

"Waxaan haynaa dhibanayaal badan. Nawaaxiga Glina ee magaalada Majske Poljane, shan qof ayaa la xaqiijiyay ilaa iyo hadda. Waxaa jirta geerida gabar kasoo jeeda Petrinja; taasoo wadarta ka dhigeysa in lix qof ay ku dhinteen dhulgariirkan ba'an," ayuu yiri Medved.

Markii dambe, Ivica Perovic, oo ah madaxa dowladda hoose ee Lekenik, ayaa xaqiijisay in meydka nin laga helay burburka kaniisad maxalli ah oo ku taal tuulada Zazine, waqooyiga Petrinja, taas oo dhimashada ka dhigeysa 7 qof.

Booliisku wuxuu tilmaamay in ugu yaraan 20 qof ay soo gaareen dhaawac fudud halka lix kalena ay dhaawacyo culus qabaan. Dhaawacyada badankood waxay ahaayeen lafo jabay iyo gariir.

Hay'adda Badbaadinta Dadka ku waxyeeloobay dhulgariirka ayaa sidoo kale ku howlan howlaha baadi goobka iyo samatabbixinta waxayna sheegeen inay ka soo heleen 6 qof Petrinja oo hoy u ah ilaa 20 kun oo qof.

Isla aaggaas waxaa ku dhuftay 5.2 dhulgariir Isniintii. Bishii Maarso, dhulgariir cabirkiisu yahay 5.3 ayaa ku dhuftay Zagreb kaasoo sababay hal dhimasho isla markaana dhaawacay 27 qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM