Dad ku dhintay dhul-gariir ka dhacay Philippine

Image

Dhulgariir oo xooggan ayaa ku dhuftay koonfurta dalka Philippine, kaasi oo geestay khasaarooyinka dhimasho iyo bur bur isagu jiro, sida ay sheegeen Saraakiisha dalkaasi. 

Dhulgariirkan oo cabirkiisu ahaa 6.5 Rigtar ayaa waxa uu ka dhacay Jaziirada Mindanao, waxaana ku dilay ugu yaraan 15 ruux, halkas 126 kalena ay ku dhaawacmeen.

Kooxaha gurmadka deg deg ah ayaa loo diray Goobaha uu saameeyay Dhulgariirka, si ay usoo samatabixiyaan dadka ku go'doomay, oo dowladda dib u dejin u samaynayso.

Dhulgariiran cusub ayaa jaray wadooyinka, adeegyada Konrontada iyo Biyaha, iyadoo sidoo kale uu dhulka la simay goobo ganacsi oo aad u badan, sida ay dowladda Philippine sheegtay.

Kumanaan kun oo qof ayaa ka cararay goobaha ku dhaw Jaziirada, iyagoo ka baxayo inay dhacdo duufaanta Sunaamiga, taasi oo sanado kahor dad badan ku dishay dalkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Araghchi: Ma jiro qorshe lagu daldalayo dibadbaxayaal, Trump-na wuu joojiyay weerarka

Trump ayaa arrintan ka hadlay saacado kaddib markii Mareykanku bilaabay in uu ka saaro qaar ka mid ah shaqaalihiisa saldhig ciidan oo ku yaalla Qatar.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM