Dad ku dhintay huteelo lagu karan-tiilo dadka qaba Coronavirus oo dumay

Image

QUANZHOU, China – Tobban qof ayaa waxaa la xaqiijiyey in ay geeriyoodeen kadib markii magaaladda Quanzhou ee Shiinaha uu kusoo dumay huteel loogu talagalay in lagu karan-tiilo dadka laga helo Coronavirus.

Wakaalada wararka Xinhua ayaa baahisay in ku dhowaad 70 kale ay go'doomeen dhismaha, lagana soo badbaadiyey 48 kamid ah.

Xili burburka dhismaha uu bilowday Sabtidii, sawirro laga soo qaadey ayaa muujinaya dad ku howlan badbaadinta dadka.

Warbixinada ayaa waxay intaas ku darayaan in badi dadka ku go'dooman huteelka ay yihiin kuwa laga helo caabuqa dilaaga ah, balse ay u socotay karan-tiilid maadaama heerka koowaad ay ku marayeen.

Mulkiilaha huteelka oo magaciisa lagu soo koobay Yang waxaa u yeeray booliska, si su'aallo looga waydiiyo dhibaatada dhacday.

Warbaahinta ayaa warisay in maalqabeenka uu ku doodey in dabaqa koowaad ee burburay ay ku socotay dayactir markii uu falku dhacay.

Wakaalada wararka AFP ayaa ku warantay in shaqaalaha dhismaha ay la hadleen mulkiilaha daqiiqado kahor inta uusan soo dumin.

Dhacdadaan ayaa waxay kusoo aadeysa iyaddoo faafinta xanuunka khatarta badan ay aad hoos ugu dhacday gudaha Shiinaha, halkaasoo uu ku galaaftay boqolaal ruux isla markaana tirro kale ay wali la il-daran yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM