Dad ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay koonfurta Hindiya

Image
Image

NEW DEHLI, India - Diyaarad ay la socdeen 190 qof kana timid magaalada Dubai ee Imaaraadka Carabta ayaa ku burburtey garoon ku yaala gobolka Kerala ee koonfurta waddanka Hindiya.

Saraakiil ayaa sheegay in shilkaan uu yimid markii dhabaha caga dhigashada ka weecatay xilli ay soo dageysay; geerida 16 ruux ayaa la xaqiijiyey, halka dhaawaca uu intaas ka badan yahay.

Shirkadda Air India Express [AIE] oo lahayd diyaaradda ayaa xustay in laba duuliye ay kamid yihiin dadka dhintay isla markaana 156 rakaab ay dhaawacyadoodu yihiin kuwa aad looga dayriyey.

Hardeep Singh Puri, wasiirka duulista hawada India, ayaa sheegay in duuliyaha uu xawaare sarre adeegsaday markii uu soo dajinayey diyaaradda ayna baarayaan hadii sababo kale ay jiraan.

Agaasimaha Hay'adda La-tacaalida Musiibooyinka Hindiya, S N Pradhan, ayaa xusay in dhabaha cagadhigashada Calicut oo gaabnaa awadeed uu ka dambeeyay shilkaas diyaaradeed.

"Diyaaradda in ay laba gabal noqoto waxaa keenay markii ay dhaaftay dhabaha waxay ku dhacdey biyo-mareen ah; in uusan dab ka kicin waxay keentay in rakaabka la badbaadiyo," ayuu xusay.

Ra'iisul wasaare Narendra Modi ayaa horkacaya mas'uul iyo jilaayaal caan ah oo midnimo u muujiyey qoysaska eheladooda ku waayey musiibadan, iyagoo dhaawacyada u duceeyay.

Shilalka diyaaradaha ayaa aad looga soo wariyaa koonfurta Aasiya marka la gaaro xagaaga dabeymaha. May, 2010, shil ay gashay diyaarad ay shirkadda AIE waxaa ku geeriyooday 158 oo rakaab ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM