Dad lagu dilay Colorado dalka Maraykanka

Image

28 November, 2015(GO)-Saddex qof oo mid ka mida yahay sarkaal ka tirsan Boliska Colorado ee dalka Maraykan, ayaa lagu dilay weerar lagu soo qaaday xarun caafimaad oo lagu xadido dhalmada, waxaana lagu dhaawacay 10 kale.

Weerarkan waxaa gaystay nin hubaysan oo markii dambe ciidanka ammaanka magaladaasi ku qabteen intii uu ku guda jiray falkaasi.

Ilaa hadda lama caddayn sababta xarunta caafimaad loo weeraray, balse marar hore waxaa ka dhacay mudaharaadyo looga soo horjeed ilmo iska soo rididda oo goobtaasi  lagu fududeeyo.

Boolisk Colorado ayaa wada baaritaano lagu xaqiijinayo qaabka waxa u dhaceen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM