​Dad lagu laayay duqeymo ka dhacay Xalab

Image

Ugu yaraan toban qof ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay tiro kalena lagu dhaawacay duqeymo dhowr ah oo lala beegsaday deegaan fallaagadu maamusho oo ku yaala magaalada Xalab ee dalka Suuriya.

Hawlwadeenada ayaa sheegaya in mid ka mid ah duqeymahaasi laga beegsaday meel u dhow cusbital ku yaala degmada Shaar ee ku taala bariga Xalab.

Muuqaal laga soo duubay goobta gantaalada lala helay ayaa muujinaya dhismooyin burbursan iyo meydad daadsan waddooyinka.

Ilaa iyo haatan ma cadda ciddii ka dambeysay duqeymahaasi, balse ciidamada dowladda ayaa waxa ay dedaal ugu jireen in muddo ahba sidii ay dib ugu qabsan lahaayeen magaaladaasi Xalab.

BBC

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM