Dad lagu laayay magalada Mandheera

Image

28 December, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya magalada Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheega in ciidamo katirsan Millatariga Kenya rasaas ku furigeen gaari la sheegay inuu jidka ka xirtay gaadiid ciidankani saarnaayeen.

Goob joogayaal ku sugan Mandheera yaa Garowe Online u xaqiijiyay dhimashada labo iyo dhaawaca tiro kale, waxaana dhaawacyada loo qaaday xarumaha caafimaadka degmadaasi.

Saraakiil katirsan laamaha amniga dalkaas ayaa la sheegay in ciidamadoodu wadaan baritaanno lagu xaqiijinayo amniga, waxayna tilmaameen inay barayaan dhacdada Mandheera.

Falkan ayaa ku soo beegantay xilli degmooyinka dhaca xadka Somalia la wadaagto Kenya ururka Al-Shabaab ka gaysanayeen weeraro lagu beegsaday ciidamo katirsan Boliiska dalkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM