Dad loo dilay qaarna loo xiray khaarijinta madaxweynihii Haiti

Image

PORT-AU-PRINCE, Haiti - Afar qof oo looga shakisan yahay inay dileen madaxweynaha Haiti Jovenel Moïse ayay toogteen ciidamada amaanka, sida ku xusan war-saxaafadeed kasoo baxay taliska booliska.

Sida laga soo xigtay bayaanka oo lala wadaagay saxaafada, Laba kale ayaa la xiray, halka saraakiishii wali la dagaallamayaan qaar ka mida tuhmanayaashii ku haray caasimadda dalka ee Port-au-Prince.

"Waa la dili doonaa ama waa la qaban doonaa inta hartey," ayuu yiri taliyaha booliska Leon Charles kaasoo wacad ku maray in ay u aargudi doonan hogaamiyihii mayalka adkaa ee waddankaas.

Mr Moïse, oo 53 jir ahaa, ayaa si xun loo toogtay xaaskiisana waa la dhaawacay markii ay weerareen kooxo hubeysan gurgiisa gaarka ah saacadihii hore ee Arbacadii shalay.

Ragga hubeysan oo aan la aqoonsan ayaa galay guriga gaarka loo leeyahay ee Port-au-Prince saacaddu markii ay ahayd 01:00 waqtiga maxalliga ah (05:00 GMT). Mr Moïse waa ladilay, laakiin Marwada Koowaad Martine Moïse ayaa badbaaday waxaana loo duuliyay Florida halkaas oo lagula tacaalayo xaaladeeda caafimaad.

Waxaa lagu soo waramayaa inay ku sugan tahay xaalad deggan laakiin khatar ah. Taas oo la macno ah in dhaawaca soo gaarey uu yahay mid aan laga soo horudhici karin natiijada kasoo baxeysa.

"Afar calooshood u shaqeystayaal ah ayaa la dilay [labo]na waxaanu qabanay anagaa gacanta ku hayna," Mr Charles ayaa sidaa ku yiri hadal telefishanka laga sii daayay galinkii dambe ee Arbacadii.

Saddex boolis ah oo la afduubay ayaa la soo helay. "Waxaan ka horjoogsanay [tuhmanayaasha] safarka markii ay ka baxeen goobta uu dambiga ka dhacay," ayuu raaciyay. Tan iyo waqtigaas, waxaa socotay rasaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM