​Dad loo soo qabtay weerarka Istanbul, Turkiga

Image

Wararka laga helayo dalka Turkiga ayaa sheegaya in 3 qof oo tuhunsanayaal ah loo qabtay qaraxii Talaadadii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Istanbul, halkaasi oo ay ku dhinteen 11 qof.

Wakaalada wararka ee Do ğan ayaa sheegtay in tuhunsanayaasha lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin urur argagixiso ah, ayna weerarreen dalkaasi iyaga oo dil geystay.

Jimcihii ayay ahayd markii ururka Kurdistan Freedom Falcons, oo la rumeysan yahay inuu ka go'ay jabhadda PKK, uu sheegay in uu qaaday qaraxaasi ka dhacay Istanbul.

Turkiga ayaa dagaal kula jira jabhadda Kurdiyiinta ee PKK, ka dib markii ay burburtay xabbad joojintii u dhexeysay bishii July ee sanadkii hore.

Qaraxyada ka dhaca magaalooyinka waaweyn ee Turkiga ayaa si ba'an u sameeyay dalxiiska, oo ka mid ah ilaha dhaqaale ee uu dalkaasi ku tiirsan yahay.

BBC

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM