Dadka Brazil oo dooranaya madaxweyne cusub

Image

October 5, 2014 (GO)- In ka badan 142 milyan oo qof oo Brazilian ah ayaa bilaabay inay codkooda dhiibtaan si ay u doortaan madaxweynaha xiga ee dalkaas hoggaamin doona afarta sano ee soo socota.

Wareegga koowaad ee doorashada waxaa ku tartami doona saddex murashax oo ay ku jirto Dilma Rousseff oo ah madaxweynaha xilligan ee dalka Brazil lana soo doortay sanadkii 2011.

Labada murashax ee kale ayaa kala ah Marina Silva oo horay usoo noqotay wasiirkii hore ee deegaanka kana tirsan Xisbiga Hanti-wadaaga iyo musharax kale oo lagu magacaabo Aecio Neves siyaasadiisuna tahay bidix dhexe.

Nidaamka codbixinta ayaa ah elektaroonik, waxaana la filayaa in natiijada la shaaciyo saacad ama labo saac kadib marka codeyntu soo gaba gabowdo. Haddii doorashadu yeelato wareeg labaad waxay noqon doontaa 26-da bishan October.

Madaxweynaha xilligan ee dalka Brazil Dilma Rousseff ayaa loo badinayaa inay doorashada ku guuleysan doonoto, waxaana afkaar ururin ay sameeyeen qaar kamid ah warbaahinta dalkaasi lagu ogaaday in 45% dadku taageersan yihiin Ms Rousseff.

Sanadkii hore ee 2013 kumanaan mudaaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay jidadka waaweyn ee caasimadda dalka Brazil, dadkaasi waxay ka cabanayeen in dowladdu malaayiin doolar ku khasaarisay diyaarinta garoomadii lagu ciyaaray koobka cagta aduunka 2014  xilli badi dadka dalkaasi sabool yihiin wax shaqo ahna haysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hogaamiyaasha Yurub oo indhaha ku hayo Kulanka Trump iyo Putin ee ka dhacaya Alaska

Madaxweyne Putin ayaa weli ku dheggan dalabkiisii ahaa in Ukraine noqoto dal aan dhex dhexaad ahayn.

  • Caalamka

    13-08-2025

  • 12:54PM

Putin oo Kim Jong Un kala tashaday kulanka Trump ee ku saabsan dagaalka Ukriane 

Waa mar kale oo xiriir toos ah uu dhex maro labada hoggaamiye ee Ruushka iyo Waqooyiga Kuuriya.

  • Caalamka

    12-08-2025

  • 06:16PM