Dadka Sudan oo dooranaya madaxweyne cusub iyo barlamaan

Image

April 13, 2015 (GO)- Dadweynaha dalka Sudan ayaa maanta u dareeraya goobaha cod bixinta si ay usoo doortaan madaxweyne cusub iyo xildhibaannada golaha guurtida iyo wakiillada.

Doorashadan oo ah tii ugu horreysey laga soo bilaabo markii Kooonfurta Sudan ka go'dey dalka Sudan, waxaa qaadacay inta badan axsaabta mucaaradka.

Mucaaradka ayaa ku dhaleecaynaya dowladda Madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir hoggaamiyo inay caburin ku hayso siyaasiyiinta mucaaradka iyo warbaahinta suuragalna ay tahay in doorashada lagu shubto.

Guddiga doorashada madaxa bannaan ee Sudan ayaa sheegay in dadka is diiwaan geliyey si ay doorashada uga qayb galaan tiradoodu gaareyso saddex iyo toban milyan.

Goobaha cod bixinta waxaa si rasmi ah loo furayaa 8:00 subaxnimo, waxayna doorashadu socon doontaa muddo saddex maalmood ah. Natiijada waxaa la shaacin doonaa 27-da bishan April.

Doorashadan waxaa ku tartamaya lix iyo toban murashax, waxaana ugu cadcad Madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir oo isagu dalka Sudan soo hoggaaminayey laga soo bilaabo sanadkii 1989.

GAROWE ONLINE

Related Articles

RW Pakistan: Guul Taariikhi ah baan ka gaarnay dagaalka India

Dowladda India ay si adag ugu eedeysay Pakistan inay jebisay heshiisyadii hore ee xabbad-joojinta.

  • Caalamka

    10-05-2025

  • 09:39PM

Putin oo La Kulmay Al-Siisi oo ka qeybgalay Xuska Guusha Dagaalkii 2aad ee Adduunka

Dhanka kale, kulankii uu la yeeshay Madaxweynaha Brazil, Lula da Silva, Putin ayaa uga mahadceliyay booqashada uu ku yimid Ruushka.

  • Caalamka

    10-05-2025

  • 03:46PM