Dadka uu dilay Coronavirus guud ahaan caalamka oo dhaafay 600-kun

Image

WASHINGTON, US – Geerida uu sababay musiibada Coronavirus guud ahaan caalamka ayaa mareysa 601,213, sidda muujineyso warbixin ay soo saartay Jaamacada Mareykanka ku taalo ee Johns Hopkins.

Dhanka kale, tirada kiisaska Covid-19 ayaa sii cagacageynaya 14.2 milyan oo xaaladood, halka in ka badan 7.9 ruux ay ka bogsadeen.

Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa sheegtay in tiradda kiisaska sidda maalinle laha ah loosoo warinayo uu ka jiro sarre u kac.

Wadamadda Mareykanka, Brazil, Hindiya iyo Koonfurta Afrika ayaa ah meelaha kiisaska ugu badan ee fayruskan faafa laga soo warinayo.

Mareykanka waxaa Sabtidii uu diiwaan-geliyey 140,000 kiisas, waxaana muuqata in xanuunka uu kusii faafayo gobolada kala duwan ee dalka.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in kiisaska Mareykanka ay marayaan 3.7, halka bogsashaduna ay ku dhow-dahay 1.2 milyan oo qof.

Qaramada Midoobay ayaa si joogta ah ugu boorisa madaxda caalamka in ay qaataan doorka kaga aadan hogaaminta ololaha iska caabinta waxyeelada Covid19, isla markaana lagu wajaho qorshe mideysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM