Dadka uu dilay Coronavirus guud ahaan caalamka oo dhaafay 600-kun

Image

WASHINGTON, US – Geerida uu sababay musiibada Coronavirus guud ahaan caalamka ayaa mareysa 601,213, sidda muujineyso warbixin ay soo saartay Jaamacada Mareykanka ku taalo ee Johns Hopkins.

Dhanka kale, tirada kiisaska Covid-19 ayaa sii cagacageynaya 14.2 milyan oo xaaladood, halka in ka badan 7.9 ruux ay ka bogsadeen.

Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa sheegtay in tiradda kiisaska sidda maalinle laha ah loosoo warinayo uu ka jiro sarre u kac.

Wadamadda Mareykanka, Brazil, Hindiya iyo Koonfurta Afrika ayaa ah meelaha kiisaska ugu badan ee fayruskan faafa laga soo warinayo.

Mareykanka waxaa Sabtidii uu diiwaan-geliyey 140,000 kiisas, waxaana muuqata in xanuunka uu kusii faafayo gobolada kala duwan ee dalka.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in kiisaska Mareykanka ay marayaan 3.7, halka bogsashaduna ay ku dhow-dahay 1.2 milyan oo qof.

Qaramada Midoobay ayaa si joogta ah ugu boorisa madaxda caalamka in ay qaataan doorka kaga aadan hogaaminta ololaha iska caabinta waxyeelada Covid19, isla markaana lagu wajaho qorshe mideysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erdogan: Netanyahu Waa Caqabadda Ugu Weyn ee Nabadda Gobolka Bariga Dhexe

Ka hor hadalkii Erdogan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay gobolka ku wado.

  • Caalamka

    21-06-2025

  • 01:56PM

Ugu yaraan 430 Rayid ah oo lagu dilay Duqeymaha Israel ee dalka Iran

Dhanka Israa’iil, mas’uuliyiinta waxay sheegeen in 24 qof oo rayid ah lagu dilay weerarro gantaalo ah oo Iran ku qaaday gudaha Israa’iil.

  • Caalamka

    21-06-2025

  • 12:14PM