Dadka uu ku dhacay Covid-19 guud caalamka oo dhaafay shan milyan

Image

WASHINGTON, US – In ka badan shan milyan oo qof kuna nool dunida daafaheeda oo idil ayaa waxaa la xaqiijiyey in ay qaadeen Coronavirus, sidda ay sheegtay Jaamacadda Johns Hopkins ee waddanka Mareykanka.

Sidda ku xusan macluumaad ay uruurisay Jaamacadda oo lala wadaagay saxaafada, dad ka badan 328,000 ayaa u dhintay cudurka, halka ay ka bogsadeen ku dhowaad 1.9 milyan oo ruux, guud ahaan.

Xanuunkaan oo bishii December sanadkii 2019 kasoo bilowday bartamaha Shiinaha gaar ahaan magaalada Wuhan ayaa ku faafay si dhaqsiya badan, wuxuuna kala xiray aduunyadda oo dhan.

Dowladaha caalamka ayaa diiradda saaraya siddii ay daawo ugu heli lahaayeen caabuqaan dilaaga ah gaar ahaan talaal ka hortagga.

Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa leysku raacay in ay noqoto meesha kaliya ee looga dhawaaqi doono daawada saxda ah.

WHO ayaa sheegtay in kaliya shalay ay diiwaan-gelisay 106,000 kiisas oo ah Covid-19, waana maalintii ugu badneyd tan iyo markii musiibada ay soo ifbaxday, dalalka saboolka ah waa meelaha ugu daran.

Mareykanka, Brazil iyo Ruushka ayaa safka hore kaga jiray dalalka uu saameynta ugu badan ku yeeshay ayna wali ku dambeyso iyagoo la-kacaakufaya sidii kasoo kabashadda waxyeeladiisa dhinaca dhaqaalaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM