Dadka uu ku dhacay Covid19 ee guud ahaan caalamka oo dhaaftay 3 milyan

Image

WASHINGTON, US – Jaamacadda fadhigeedu yahay dalka Mareykanka ee Johns Hopkins ayaa ku dhawaaqdey in tiradda kiisaska Coronavirus ee guud ahaan caalamka ay dhaafeen saddex milyan oo qof.

Kororkan waxaa sababay markii maanta lasoo wariyey kiisas badan oo fayruskaas safmarka ah, sidda ku xusan warbixinta.

Tan iyo markii uu dilaacay xanuunka bishii December, sanadkii 2019, dadka uu galaaftay ayaa illaa iyo haatan kor-u-dhaafay 208,000.

Sidda laga soo xigtay xog-uruurintii ugu dambeysay, waxaa cudurka ka caafimaadey in ka badan 878,000, guud ahaan caalamka.

Khuburada ayaa aaminsan "maadaama aanan wali daawo la helin, sarre-u-kaca maalinlaha ah ee kiisaska wuu sii jiri doonaa".

Xarumo caafimaad oo kala duwan oo ay horboodeyso Hay'adda Caafimaadka Aduunka ayaa ku howlan baadigoobka loogu jiro in la helo daawada fayruska safmareenka ah misana dilaaga ah.

Caabuqaan ayaa markii ugu horeysay lagu arkay magaalada Wuhan ee bartamaha Shiinaha. Balse, waxaa calaamad su'aal ay ka taagan tahay cidda ka dambeysay iyo ujeedada dhabta ah ee loo sameeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Mareykanka u Weeraray Iran iyo Ajandaha Ka Dambeeya

Arrintan ayaa horseedaysa xaalad cakiran oo gobolka ah, iyadoo wadamada caalamka ay ku baaqayaan in la helo wadahadal iyo xal nabadeed.

  • Caalamka

    22-06-2025

  • 11:57AM

Erdogan: Netanyahu Waa Caqabadda Ugu Weyn ee Nabadda Gobolka Bariga Dhexe

Ka hor hadalkii Erdogan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay gobolka ku wado.

  • Caalamka

    21-06-2025

  • 01:56PM