​Dagaal mar kale ka qarxay Suudaanta Koonfureed

Image

Wararka ka imaanaya magaalada Jubba ee xarunta Suudaanta Koonfureed ayaa sheegay in dagaal kale maanta dib uga qarxay magaalada kaasoo u dhaxeeya labada nin ee siyaasadda isku haya Madaxweyne Silva Kiir iyo ku-xigeenkiisa Riek Machar.

Rasaas iyo qaraxyo ayaa ruxay caasimadda Juba, kadib degenaansho jirtay saacado yar xalay, waxaana arrintaasi ka hadlay Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyadoo golaha ammaanka QM ku dhawaaqday in dagaalka la joojiyo hadii kale wixii ka dhaca Jubba isu badali doonaan dambiyo dagaal.

Safiirka Japan ee Qaramada Midoobay Koro Bessho oo ah madaxweynaha haatan ee Golaha Ammaanka ayaa sheegay in xaaladdu tahay mid halis ah maadama la dilay askari ka tirsan nabad ilaaliyayaasha oo kasoo jeeda dalka China, halka dhowr ka yimid dalka Rwanda la dhaawacay.

Khasaaro xooggan ayaa lagu soo waramayaa in dagaalladan oo maalintii shanaad galay ay sababeen, waxaana warbaahinta gudaha tabisay in tirsada dhimashadu marayso ilaa 276 qof, halka dhaawacyadu intaas ka badanyihiin.

Afhayeen u hadlay ku-xigeen madaxweynaha dalkaasi Riek Machar, ayaa sheegay in tirada dhimashadu marayso ilaa 150 qof.

Dagaalkan cusub ee u dhexeeya ciidamada madaxweynaha Salva Kiir iyo kuwa taabacsan ku xigeenkiisa Riek Machar waxa ay keeneen cabsida ah in markale dalkaasi uu dagaal sokeeya ka bilowdo.

Labada hogaamiye ayaa dhowaantan waxay wada saxiixdeen heshiis nabadeed oo lagu soo afjarayay colaadda dalkaasi ka socota in kabadan laba sano.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM