Dagaal qaraar oo ka socda magaalada Ramadi

Image

22 December, 2015(GO)-Ciidamada Ciraq ayaa bartamaha magaalada Ramadi kula dagaalamaya dagaalyahannada Kooxda Daacish, ayaga oo isku dayaya inay la wareegana gacan ku haynta magaalada.

Sabah al-Numani oo ah afhayeenka ka hortagga argagixisada ee Ciraq, ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhacayey xaafadaha u dhow dhismaha dowladda, ayna caawimaad ka helayeen ciidamada cirka ee xulufada.

Lumintii gacan ku haynta magaalada Ramadi ee bishii May ayaa waxa ay ahayd jab weyn oo gaaray dowladda Ciraq.

Dadaallada dib loogu qabsanayo magaaladan oo 100 KM u jirta galbeedka Baghdad, ayaa waxa ay qaateen bilo, ayada oo dagaalo ay ka dhaceen duleedka magaalada, islamarkaana sahayda laga goooyeey Daacish.

Isbaheysiga Mareykanka uu hoggaamiyo ayaa weeraro dhinaca cirka ah ku caawinayey ciidamada Ciraq oo isku dayaya inay qabsadaan dhul badan oo ka mid ah waqooyiga iyo galbeedka dalkaas.

Xigasho: VOA

Related Articles

Heshiiska Gaza: Guul Diblomaasiyadeed mise Bilowga Dhamaadka Netanyahu?

Arrintan ayaa khatar gelisay taageerada siyaasiyiinta xagjirka ah ee Netanyahu…

  • Caalamka

    10-10-2025

  • 06:48AM

Turkiga: Netanyahu lagama ogolaan doono inuu burburiyo heshiiska nabada Qaza

adaalladan ayaa qeyb ka ah isku dayada beesha caalamka ay wado si loo joojiyo dagaalka.

  • Caalamka

    08-10-2025

  • 04:23PM