Dal dhaqan-gelinaya in dhagax lagu dilo qofkii Nabiga aflagaadeeya

Image

BANDAR SERI BEGAWAN, Brunei – Boqortooyadda Brunei ayaa soo saartay sharci cusub kaasi oo xeerinaya in dhagax lagu dilo qofkii aflagaadeeya Nabi Maxamed NKKH.

Si lamid ah sharcigaan ayaa qabanaa shaqsiyaadka lagu helo dambiyada; burcad-nimo, isku taga dadka isku jinsjiga ah iyo kufsiga.

Intaasi waxaa dheer in ruuxii ay ku cadaato tuuganimo in laga jarayo gacanta, sidda laga soo xigtay sharciga oo lasoo gabagabeeyay diyaarintiisa.

Dalkaan ku yaala Qaarada Aasiya, oo uu hogaamiyo Suldaan Hassanal Bolkiah oo 72-sano jir, ayaa lagu wadaa in sharcigaan uu dhaqan-geliyo todobaadkaan.

Dadka ku nool wadankaasi oo badankooda ah Muslimiin aad u soo dhaweeyay sharciyada, iyaga oo ku tilmaamay mid xadidaya "ficilada xun-xun."

Hasayeeshee, hay’addaha xuquuqda adaanaha u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamay mid meel ka dhac ku ah xorriyada bini’aadamka.

Dalalka Saudi Arabia, Iran, Mauritania iyo Sudan ayaa kamid ah wadamada ay ka jiraan sharciyada, inkasta oo toogasho aysan fulin dhowaanahaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Professor Jason Arday oo Dhalisay Dood Ku Saabsan Hab-dhaqanka Warbaahinta Britain

Qoyskiisa ayaa ku tilmaamay nin dabacsan oo naxariis badan, mar walbana dadka wanaagooda ka eegi jiray.

  • Caalamka

    16-08-2026

  • 04:53AM

Maxkamad ku taalla Israa’iil oo hakisay qorshe xabsiga Ketziot lagu hareereynayo yaxaasyada

Xabsiga Ketziot, oo ku yaalla koonfurta Israa’iil, ayaa lagu hayaa maxaabiis Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan dad laga qabtay Marinka Gaza.

  • Caalamka

    15-08-2026

  • 02:46PM