Dastuurka dalka Rwanda oo wax laga badalayo

Image

18 November, 2015(GO)-Barlamanka dalka Rwanda ayaa cod buuxa ku ansixiyay in wax laga badalo dastuurka dalkaasi, si mar saddexaad Madaxweyne Paul Kagame isu soo sharaxo hogaanka dalkaasi.

Arrintan, waxaa la galin doonaa afti Qaran, waxayna sahlaysa in si fudud lagu ogolaado, maadama golaha Senate-ka dalkaasi madaxweynaha u ogolaadeen wax ka badan loogu sameeyo dastuurka dalka.

Wax ka badalka Dastuurka ayaa Kagame u ogolaanaysa inuu helo fursad uu dalka ku hogaamin karo ilaa sannadka 2034.

Madaxweynaha Rwanda ayaa xilka ka dagaya sannadka 2017.

Xisbiga mucaaradka dalkaasi ee loo yaqaan Democratic Green Part, ayaa ka digay in wax ka badalka Dastuurka keeni karto xasilooni darro ka dhalata dalkaasi oo lagu tiriyo inuu xiriir dhaw la leeyahay waddanka Maraykan-ka oo Kagame u sheegay inuusan talada dalka ku soo laaban.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM