Dedaalo lagu qaboojin lahaa colaadda Nagorno-Karabakh oo fashilmay

Image

WASHNGTON, US – Isku dayo diblumaasiyadeed oo la doonayey in lagu qaboojiyo colaadda hubeysan ee Armenia iyo Azerbaijan ayaa u muuqda kuwa guuldareystay, iyaddoo wada-xaajoodyo ay u balansan yihiin labada dowladood.

Qaar kamid ah quwadaha caalamka ayaa qaban-qaabinaya shir lagu waddo in uu Isniinta ka qabsoomo caasimadda Ruushka ee Moscow.

Faransiiska iyo Mareykanka ayaa kamid ah wadamada ee kasoo muuqan doona shirkaas ay wakiilo ka socday dowladaha dirirtu u dhaxeyso ay qayb ka yihiin, waxaana ajendaha uu yahay sidii loo joojin lahaa dagaalada socda.

Armenia iyo Azerbaijan ayaa ku muransan gobolka Nagorno-Karabakh, is-qabqabsigaas oo ah mid kamid ah muranada ugu cimriga dheer aduunka, iyaddoo jiilal kala duwan ay ku guuldareysteen in ay xal u dhaliyaan.

Nagorno-Karabakh waxaa qariirad ahaan ay ka tirsan tahay Azerbaijan, balse waxaa ku nool dal asalkoodu yahay Armeeniyaan, waxaana ay u ololeeyaan gooni u goosad, iyaddoo koox mayal ay la dagaalameyso dowladda.

In ka badan 200 ruux oo badankooda ah shacab, burbur maaliyadeed oo guryo u badan iyo dhaawacyada boqolaal ay ku jiraan wariyeyaal waa khasaaraha illaa hada laga soo wariyey dagaalka laba todobaad kahor qarxay.

Isku eedeynta dilka shacab, burburinta goobo taariikhi ah iyo bilaabida rasaasta waa warbixinada ay tabineyso warbaahinta maxaliga ee dalalka.

Turkiga ayaa taageero muuqata wuxuu u muujiyay Azerbaijan, wallow uu iska fogeeyay eed ka timid Amernia oo ah ku deeqitaanka rasaas.

Isku-dhaca Nagorno-Karabakh ayaa la aaminsan yahay in ay tahay fagaare ay murqahooda ku tijaabinayaa reer Galbeedka iyo Turkiga, si lamida suuq u furmay shirkadaha hubka, balse ay ku baabi doonan rayid aan wax galabsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM