Dhalinyaro loo soo xiray masaajid lagu gubay London

Image

27 September, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya magalada London ee xarunta dalka Britain ayaa sheegay ina la xiray labo qof oo dhalin yaro ah.

Dhalinyarada oo la xiray Subaxnimadii hore maanta oo Axad ah, ayaa da'doodu tahay 16 iyo 14 sano, waxaana lagu tuhmayaa ku lug lahaanshaha masaajid ku yaallay Koonfurta London.

Maasaajidka Dabka la qabad-siiyay ayaa la aaminsanyahay inuu yahay kan ugu wayn Yurub.

Dhismo xafiisyo ku dhagan masaajidka ayaa qasaaro badan soo gaaray, laakiin masaajidka ma aysan gaarin bur-bur  aad u ballaaran.

Ilaa 70 dab damis ayaa ka qayb qaatay sidii looga hortagi lahaa inuu ku faafo goobo kale oo ka agdhawaa masaajidka la gubay.

GAROWEONLINE+WAKAALADAHA

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM