Dhaxal-sugaha Sacuudiga oo "wajihi kara" baaris ku aadan dilkii Khashoggi

Image

RIYADH, Sacuudi Carabiya – Warbixinta sida weyn ee loo sugayey ee baaritaanka ay Qaramada Midoobey ku sameyneyso dilkii saxafiga Jamal Khashoggi ayaa maanta oo Arbaco ah si rasmi ah loogu dhawaaqay.

Khabiir sarre oo Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ka tirsan taasi oo kiiskan si gaar ah loogu xil-saarey ayaa shaaca ka qaadey in "caddeymo lagu kalsoonan karo" ay muujinayaan in xubno sare ay dilka abaabuleen.

Agnes Callamard ayaa warbixinteeda ku shaacisay in dhaxal-sugaha Boqortooyadda Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan iyo mas'uuliyihiin kale ay falkaasi khaarijinta ah si weyn isugu dabarideen.

Callamard ayaa tilmaamtay in caddeymaha ay u baahan yihiin baaritaano dheeraad ah oo ay ku sameeyeen hay’addo kulan-sadey madax banaani iyo dhex-dhaxaadnimo caalami ah.

Khashoggi waxaa safaaradda Sacuudiga ku leeyahay magaaladda Istanbul ee xarunta dalka Turkiga ku dhex-dilay saraakiil ka tirsan sirdoonka Sacuudi Carabiya, sidda ay warbaahinta sheegeyso.

Tan iyo xilligaasi, mas'uuliyiinta Sacuudiga ayaa waxay ku adkeysanayaan in dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan uusan bixin amaradaasi.

Boqortooyadda Khaliijka ayaa 11 ruux oo aanan la magacaabin maxkamad ay alaabada u xiran yihiin ugu soo taagtay kiiska Jamaal, kuwaasi oo shan kamid ah la sheegayo in dil toogasho lagu xukumayo.

Sikastaba ha ahaatee, haweeneyda Callamard ayaa sheegaysa in maxkamaddeyntaasi ay ku guuldareystay in ay waafaqsanaato heerarka caalamiga ah, waxayna codsatay in la joojiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo si qarsoodi ah u booqday Imaaraadka, lana kulmay MBZ intii uu socday dagaalka Iran

Labada dal ayaa xiriir rasmi ah sameystay sanadkii 2020 kadib heshiisyadii loo yaqaan Abraham Accords.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 08:38PM

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM