Dheemanka saddexaad ee dunida ugu weyn oo la helay

Image
Image

GABORANE, Botswana - Shirkada dheemanka Botswanan ee Debswana ayaa sheegtay in ay soo saartay dhagax cabirkiisu yahay 1,098 carat oo ay ku tilmaamtay inuu yahay kan saddexaad ee noociisa ugu weynaa adduunka.

Dhagaxan, oo la helay 1-dii bishan Juun sanadkan 2021-ka, ayaa waxaa warbaahinta Arbacadii u soo bandhigay Madaxweynaha waddankaas, Mokgweetsi Masisi oo shir jaraa'id ku qabtey caasimadda Gaborone.

"Waxaa la rumeysan yahay inay tahay ta saddexaad ee ugu tayada weyn ee laga helo adduunka," ayay tiri Agaasimaha Maamulka shirkadda Debswana, haweenayda lagu magacaabo Lynette Armstrong.

Armstrong ayaa ku dartey: "Dhagaxan noociisu yahay dhif iyo naadir aan caadi ahayn in la helo… macnahiisu aad ayuu ugu weyn yahay bulshadda dheeman iyo Botswana. Waxay rajo u horseedaa umada halgameysa".

Dhagaxa aan weli magaca loo bixin oo cabirkiisu yahay 73mm dherer, 52mm ballac ah iyo 27mm dhumuc sidoo kale waa dheemankii ugu weynaa oo ay hesho shirkadda Debswana.

Dheemankii ugu weynaa ee abid dunida laga helo ayaa cabirkiisu wuxuu ahaa 3,106-karat Cullinan, waxaana laga helay waddanka Koonfur Afrika sanadka markii uu ahaa 1905.

Ka labaad wuxuu ahaa 1,109-carat Lesedi La Rona - dheeman cabirkiisu le'eg yahay qalcadda tayniska, oo laga helay Karowe, waqooyi-bari Botswana, sanadkii 2015. Botswana waa horumuudka wax soo saarka dheemanka ee Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo qorsheynaya Dilka Ayatollah Ali Khamenei

Netanyahu wuxuu sheegay in Iran ay rabto “colaad joogto ah” taasoo, sida uu sheegay, keentay in la gaaro xuduudka dagaal nukliyeer ah.

  • Caalamka

    17-06-2025

  • 02:57PM

Iran Oo Weerar Gantaal Ku Qaadday Xarunta Sirdoonka Israel ee Mossad

Muuqaalladii hore ayaa sidoo kale muujinayay gantaal difaac cirka Israa’iil oo ku dhacay Tel Aviv intii ay socotay isweydaarsiga rasaasta.

  • Caalamka

    17-06-2025

  • 11:33AM