Banaanbaxayaal xoog ku galay safaaradda Mareykanka ee Baqdaad

Image

BAQDAAD, Iran – Boqolaal banaanbaxayaal ayaa maanta oo Talaado ah gudaha ugu daatay dhismaha safaaradda Mareykanka ee Baqdaad, caasimadda Ciraaq.

Talaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii todobaadkan duqeyn uu Mareykanka fuliyey lagu dilay 25 kamid ah dagaalemeyaasha ay Iran taageerto.

Washington ayaa weerarkaas dhanka cirka ah ku sheegtay mid ay ugu aargudeysay muwaadin Ameerikaan oo falaadaga Xisbullaahi ay dishay.

Iyagoo ku qeylinaya "Ha dhaco, Ha dhaco Mareykanka", dibad-baxayaasha ayaa dhalooyin ku tuuray dhismaha isla markaana burburiyey Kaamirooyinka.

Wakaaladda wararka ee Assosiated Press ayaa ku warameysa in mudaahadarayaasha ay jebiyaan albaabka dhismaha safaaradda.

Sidoo kale, AFP ayaa baahisay in ciidamadda ammaanka oo adeegsanaya sunta dadka ilmada ka keentay ay banaanbaxayaasha kasoo saareen dhismaha.

Safiirka Mareykanka oo gudaha dhismaha ku jiray ayaa la sheegay in si deg-deg ah looga saarey safaaradda lana geeyay goob ammaan ah.

Dhismaha safaaradda Mareykanka ee laysku dayey in xoog lagu galo ayaa ku taala mid kamid ah goobaha ugu ammaanka badan caasimadda Baqdaad.

Dibad-baxayaasha oo watay calanka Xisbullaahi ayaa isu soo baxa sameeyay saacado kadib markii la aasey meydadka dagaalameyaasha la khaarijiyey.

Iiraan ayaa duqeynta lagu laayey xubnahaas ku tilmaamay "fal argagixiso". Howlgalkan cusub wuxuu karaar-siiyey xiisadda xukuumadaha Washington iyo Tehran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM