​Dhul Gariir Ku Dhuftay Koofurta Taiwan

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

TAIWAN- Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay tiro intaas kabadan waa ku dhaawacmeen kadib markii dhul gariir ku dhuftay Koonfurta dalka Taiwan, waxaana dhimashada ka sokow bur-bur laxaad leh soo gaaray meelaha uu ka dhacay gaar ahaan xaafado ku dhow Caasimadda Taiwan ee Tainan. 

Kooxaha gurmadka ayaa gaaray goobaha masiibadu ka dhacday, waxaana la soo bad-baadiyay dad ay ku dumeen dhismayaal, halka lasoo wariyay in dadka dhinteen ku jitay gabar yar oo dhallanayd 10-bari.

Xaalad baqdin ah ayaa kajirta meelo badan oo dalkaas kamida, waxaa laama kala duwan ee gurmadka Taiwan ku guda jiraan sidii loo samata bixin lahaa dadka weli ku harsan goobaha bur-buray. Sawirro laga soo qaaday Tainan, ayaa muujinay bur-burka dhismayaasha, waxaana la baahiyay inay dumeen ilaa 17 dhisme oo waaweyn. 

Dhul gariirkan ayaa lagu qiyaasay inuu 6.5 Magnitude "Aalad lagu cabiro dhul gariirka". 

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM