Dhul-gariir xoogan oo gilgilay magaaladda Istanbul ee Turkiga

Image

ANKARA, Turkey – Dhul-ruxan awood badan kaasoo cabirkiisa lagu sheegay 5.8 ayaa Khamiista maanta ah gilgilay Istanbul, wuxuuna cabsi ka abuuray guud ahaan magaaladda, sidda uu daabacay wargeyska Daily Sabah.

Hay’adda Musiibooyinka iyo Maamulka xaaladaha degdeg ah ee Madaxtooyadda ayaa shaacisay in musiibada rabaaniga ah ay ku dhufatay bartamaha badda Marmara ee Koonfur Galbeed ee Istanbul.

Sidda laga soo xigtay AFAD, dhul-gariirka ayaa dhex-aroorkiisa hoose wuxuu gaaray illaa iyo 7 kilomitir. Wallow hay’addo kale ay ku sheegeen 11.9 KM.

Dugsiyadda iyo Isbitaaladda ayaa waxaa lagu amray in dadka laga daad-gureeyo. Illaa iyo haatan khasaaro ama waxyeelo lama soo warin.

Gudoomiye Ali Yerlikaya ayaa kol dambe ku dhawaaqay in dugsiyadda ay fasax yihiin inta ka harsan maalinta. AFAD ayaa si xoogan dadweynaha ugu boorisay in aysan ku laaban dhismeyaasha burburka culus soo gaaray.

Rayidka ayaa kusoo waramaya in dhul-ruxan goos-goos ah laga dareemayo qaybo kamid ah magaaladda tan iyo dhul-gariirkii koowaad.

Saacadihii hore ee Khamiista maanta ah, dhul-gariir cabirkiisu yahay 2.9 ayaa laga dareemay xeebta Silivri, taasoo ku dhow magaalada Istanbul.

Sikastaba ha ahaate, saddex maalmood kahor Koonfur Galbeed ee Istanbul waxaa ka dhacay dhul-gariir kale kaasoo cabirkiisa lagu qiyaasay 4.6.

Turkiga ayaa waxaa hore u soo maray dhul-gariiro dhimasho badan dhaliyey oo uu kamid yahay midkii nawaaxiga Istanbul ka dhacay 1999-dii, kaasoo galaaftay nolosha in ka badan 17-kun oo qof; lagu waayey hanti badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Weerarkii Mareykanka ee Iran waxuu la mid ahaa duqeyntii Hiroshima iyo Nagasaki

Diblomaasiyiin badan iyo falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa sheegay in isbarbardhigga Trump u sameeyay Hiroshima.

  • Caalamka

    25-06-2025

  • 11:23AM

Trump: “Iran iyo Israel way jebiyeen Xabad-joojintii”

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu rajeynayay in xabbad-joojin la ilaaliyo, isagoo tilmaamay in Iran ay sameysay waxyaabo khaldan.

  • Caalamka

    24-06-2025

  • 11:15AM