Dhul-gariir xoogan oo gilgilay magaaladda Istanbul ee Turkiga

Image

ANKARA, Turkey – Dhul-ruxan awood badan kaasoo cabirkiisa lagu sheegay 5.8 ayaa Khamiista maanta ah gilgilay Istanbul, wuxuuna cabsi ka abuuray guud ahaan magaaladda, sidda uu daabacay wargeyska Daily Sabah.

Hay’adda Musiibooyinka iyo Maamulka xaaladaha degdeg ah ee Madaxtooyadda ayaa shaacisay in musiibada rabaaniga ah ay ku dhufatay bartamaha badda Marmara ee Koonfur Galbeed ee Istanbul.

Sidda laga soo xigtay AFAD, dhul-gariirka ayaa dhex-aroorkiisa hoose wuxuu gaaray illaa iyo 7 kilomitir. Wallow hay’addo kale ay ku sheegeen 11.9 KM.

Dugsiyadda iyo Isbitaaladda ayaa waxaa lagu amray in dadka laga daad-gureeyo. Illaa iyo haatan khasaaro ama waxyeelo lama soo warin.

Gudoomiye Ali Yerlikaya ayaa kol dambe ku dhawaaqay in dugsiyadda ay fasax yihiin inta ka harsan maalinta. AFAD ayaa si xoogan dadweynaha ugu boorisay in aysan ku laaban dhismeyaasha burburka culus soo gaaray.

Rayidka ayaa kusoo waramaya in dhul-ruxan goos-goos ah laga dareemayo qaybo kamid ah magaaladda tan iyo dhul-gariirkii koowaad.

Saacadihii hore ee Khamiista maanta ah, dhul-gariir cabirkiisu yahay 2.9 ayaa laga dareemay xeebta Silivri, taasoo ku dhow magaalada Istanbul.

Sikastaba ha ahaate, saddex maalmood kahor Koonfur Galbeed ee Istanbul waxaa ka dhacay dhul-gariir kale kaasoo cabirkiisa lagu qiyaasay 4.6.

Turkiga ayaa waxaa hore u soo maray dhul-gariiro dhimasho badan dhaliyey oo uu kamid yahay midkii nawaaxiga Istanbul ka dhacay 1999-dii, kaasoo galaaftay nolosha in ka badan 17-kun oo qof; lagu waayey hanti badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo Masar u diiday inay ku biirto isbahaysiga difaaca ee cusub

Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen, Riyadh ayaa sii kordhaysa niyad-jab ay ka qabto dowladda Madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi.

  • Caalamka

    14-08-2026

  • 07:42AM

Netanyahu iyo Trump oo isku khilaafsan tallaabo cusub oo ka dhan ah Iran

Khilaafka ayaa sidoo kale la xiriira isku dayga Trump ee lagu doonayo in dagaallada Bariga Dhexe la dejiyo.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 06:01PM