​Dibad-bax ka dhacay Jaziiradda Okinawa

Image

OKINAWA- Dibax-bax ballaaran ayaa maanta ka dhacay Jaziiradda okinawa ee dalka Japan kaasi oo looga soo horjeedo ciidamada Maraykanka ee ku sugan dalkaasi.

Cabshadan, ayaa lagu dalbanayaa in dalkaasi laga saaro ciidamada Maraykanka oo lagu dhaliilay inay jirdil iyo kufsi u gaysteen haweenay reer Japan ah.

Saldhiga ciidan ee uu Maraykanka ku leeyahay jasiiradda Okinawa ayaa waxaa kahawlgala 26,000 oo askari, waxaana uu ku fadhiyaa dhul baaxadiisu dhantahay boqolkiiba 20 jasiiraddaasi.

Saldhiga ayaa qeyb muhiim ah ka ah xiriirka ammaan ee ay wadaagaan Maraykanka iyo Japan.

Majirto ilaa hadda cid ka jawaabtay cabashada reer Okinawa, kuwaas oo dhawr jeer oo hore dowladda la hadlay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM