Diblumaasi dusiyey wadahadalka Trump-Moon oo dacwad wajahaya

Image

WASHINGTON, US - Diblumaasi u dhashay Kuuriyada Koonfureed oo fadhigiisu yahay Washington ayaa lagu soo oogay dacwado dambi ah markii uu dusiyey xogta kulan dhex-maray hogaamiyeyaasha dalkiisa iyo kuwa kale.

Talaabo naadir ah, diblumaasiga ayaa Xildhibaan mucaarad ah la adaagay fahfaahinta wadahadal telafoonka ah oo 7-dii May ay yeesheen madaxweynaha Mareykanka iyo dhigiisa Kuuriyada Koonfureed.

Tafaasiisha ayaa sheegeysa in Moon Jae-in uu ka codsaday Donald Trump in uu soo booqdo Seoul kadib safarkiisa Japan ee Isniintii soo gabagaboobay iyo hadii Trump ogolaaday cadaadiska lagu sii kordhiyo Kuuriyada Waqooyi.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Talaada maanta ah xaqiijisay warkaan ayaa tibaaxday in ay dacwada ka gudbisay diblumaasiga iyo Khang Hyo-shang, Xildhibaan kamida xisbiga ugu wayn mucaaradka.

Balse ma aysan soo bandhigin wasaaradda magaca diblumaasiga.

"Si aan u xaqiijino hadii Xildhibaanka uu sabab u yahay in macluumaadkaasi fahfaahsan uu bixiyo mas'uulka ayaanu u gudbinay dacwadda," ayaa lagu yiri nuqul kamida bayaan kasoo baxay wasaaradda.

Kadib markii uu helay macluumaadkaasi, Khang oo qabtay shir-saxaafadeed waxa uu ku eedeeyay Moon "in uu ka tuugayo" Trump socdaal uu ku yimaado Kuuriyadda Koonfureed.

Wakaalada wararka u faafisa wadankaasi qaaradda Aasiya dhaca ayaa ku warameysa in dacwada wasaaradda arrimaha dibada ay tahay natiijo ka dhalatay baaris ka dhan ah diblumaasiga iyo mas'uul isla safaarada ka tirsan.

Labadooduba waxay wajihi karaa "talaabooyin adag" oo ay kamid tahay shaqo joojin, ayay raacisay wakaaladda.

Dibloomaasiga ayaa qiray in qalad uu sameeyay, balse waa uu beeniyay "in uu ku kacay wax aanan ku habooneyn siyaasadda dibadda ee xukuumadda", Yonhap ayaa isaga ka soo xigtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM