Diblumaasiyiin safmarka Covid-19 dartiisa uga baxaya Sacuudiga

Image

RIYADH, Suadi Arabia – Diblumaasiyiinta Mareykanka ee ku sugan Sacuudi Carabiya ayaa kamid ah boqolaal muwaadiniin Ameerikaan ah oo looga daad-gureynayo dalkaas fayruka Corona awadiis.

Sidda ay wararku sheegayaan, diblumaasiyiinta oo la daad-gureeyay 48-kii saac ee lasoo dhaafay waxaa wehliyey qoysaskooda.

Talaabadan ayaa kusoo hagaageysa xilli boqortooyadda ay la kacaakufeyso sidii ay uga soo kaban lahayd burburka dhaqaale ee ka dhashay bandowga Covid-19 awgiis loosoo rogay oo dhowaan ay qaadey.

Wall Street Journal ayaa wariyey in go'aanka diblumaasiyiinta uga baxeen Sacuudiga uu yahay "amar meel sarre ka yimid".

Kiisaska Coronavirus ee Sacuudiga ayaa gaarey 200,000 marii ay bishii hore qaadey dhamaan xayiraadaha fayruskaas; Imaaraadka Carabta wuxuu dhankiisa la kulmay sarre u kac markii uu qaadey bandowga.

Kiisaska Imaaraadka ayaa haatan sii maraya 50,000, waxaana ay labadooda ka sareeyaan dalalka kale ee Khaliijka sidda Qadar.

Bartamihii bishii Maaj ee sandkan 2020 ayay ahayd markii ay soo rogeen talaabooyinka xakameynta oo saameeyay ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha, si lamid ah duulimaadyadda caalamiga ah.

Sidda ay sheegtay hay'adda caafimaadka aduunka, guud ahaan kiisaska Covid-19 ee caalamka waxay marayaan 11.23, bogashaddana waa 6.04, halka dhimashada ay ka badan 530,000, waana mid kordhi karta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM