Digniin loo diray Soomaalida ku nool Yemen xili laga cabsi qabo dagaal

Image

CADAN, Yemen – Golaha ku meel gaarka koonfurta dalka Yemen ee u ololeeya gooni u goosadka ayaa soo saarey fariin ku socota dadka ku nool halkaas oo ay kamid yihiin Soomaalida.

Digniinta ayaa si gaar ah loogu carababaabay Soomaalida, taasoo ku kordhisay walwal aad u badan.

Fariinta ayaa sheegeysa in looga baahan yahay in aysan ku milmin siyaasadaha is-diidan iyo dhinacyadda ku hubeysan ee ku loolamaya colaada ka jirta waddankaas Carbeed.

Tani ayaa kusoo beegmeysa iyadoo ay jirto cabsi laga qabo dagaal ka qarxa koonfurta Yemen oo kamida meelaha ugu badan oo ay muwaadiniinta Soomaalida ku nool yihiin.

Safaarada Soomaaliya ee Yemen ayaa xaqiijisay in ay soo gaartay ogeysiiska, wallow ay diidey in ay waqti xaadirkaan ka bixiso tafaasiil dheeraad ah eedeymaha ku jira.

Mas'uuliyiinta Yemen ayaa mar sii horeysay ku eedeeyay Soomaalida in ay ka qeyb-qaataan dagaalada dhexmara dhinacyadda hubeysan ee Yemen sida dowlada iyo Xuutiyiinta.

Soomaalida ku sugan qarankaas colaaduhu la dageen ayaa isugu jira kuwa degan muddo badan, qaar qaxooti ah iyo tirro kale oo tahriib ah isla markaana kusii jeeda qaarada Yurub.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in colaada tobanaanka sano ka socota Yemen lagu khaarijiyey kumanaan ruux oo shacab ah, isla markaana ay ku barakaceen malaayiin kale oo rayid ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM