​Dilkii Kim Jong-nam oo Khilaaf ka dhashay

Image

Khilaaf siyaasadeed oo aad u xooggan ayaa soo kala dhexgalay dowladaha Malaysia iyo North Korea, kadib dilkii Kim Jong-nam, oo dhanka aabaha kala dhashay Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.

Dowladda Malaysia ayaa u yeertay safiirkeeda dalka North Korean (Kuuriyada Waqooyi), Kang Chol kadib markii uu ku eedeeyay dalkaasi inay maleegayso shirqoollo ka dhan ah Pyongyang.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Malaysia ayaa sheegay in  dowladiisa wax lug ah ku lahayn dilka Kim Jong-nam, waxaana uu intaasi ku daray inay socdaan baaritaano ay ku ogaanayaan cidka dilkaasi fulisay.

"Dilka wuxuu ka dhacay ciida Malaysia, waxaana mas'uuliyadeena inaan baarno sababta ka dambayso iyo cida dishay Kim Jong-nam, waxay ciidamadeena amniga gacanta ku hayaan 4 ruux, oo su'aalo la waydiinayo," Ayaa lagu yiri War kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada Malaysia.

Xukuumada Pyongyang ayaa ku eedaysay Malaysia inay gacan siinayso dowladda South Korea (Kuuriyada Koonfureed), oo cadaawad badan kala dhaxayso dalka ay deriska yihiin ee North Korea.

Safiirka Kuuriyada Waqooyiga ee Malaysia Kang Chol ayaa todobaadkii lasoo dhaafay ku eedeeyay xukuumada dalkaasi ay wax ka ogeyd dilkii Isniintii lasoo dhaafay loogu geestay Kim Jong-nam Kuala Lumpur International Airport.

Sidoo kale, Safiirka ayaa sheegay inaysan ku kalsoonayn baaritaanka ay samayanayaan ciidamada Malaysia, maadaama sida uu sheegay ay wax ka ogaayeen shirqoolka lagu qaarijiyay Kim Jong-nam.

Malaysia ayaa aad uga carootay eedayntaasi, oo ku tilmaantay mid dhaawacysa sumcadeeda iyo xiriirka labada dal.

Arrintaas waxay keentay inay u yeeraan Safiirkeeda Kuuriyada Waqooyi, si ay wadatashiyo dheeraad ah ula samayso, maadaama uu sii xumaanayo xiriirka ay la leeyihiin xukuumada Pyongyang.

Muuqaal ay duubeen Kaamirooyinka ku xiran Garoonka ayaa muujinayo gabar Sun halis ah marinaysa wajiga Kim Jong-nam, xili mashuul badan uu jiray garoonka dhexdiisa.

Gabadha dilka fulisay ayaa waxay wararka sheegayaan inay katirsan tahay Sirdoonka Kuuriyada Koonfureed, iyadoo warar kale ay sheegayaan inuu soo adeegsaday hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Kim Jong-nam, wuxuu ahaa ninka ugu wayn Wiilasha uu dhalay Kim Jong-il, hogaamiyihiii hore ee Kuuriyada Waqooyi, waxaana jagadii uu dhaxli lahaa ka xoogay Kim Jong-un, oo dhanka aabaha walaal kala ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Araghchi: Ma jiro qorshe lagu daldalayo dibadbaxayaal, Trump-na wuu joojiyay weerarka

Trump ayaa arrintan ka hadlay saacado kaddib markii Mareykanku bilaabay in uu ka saaro qaar ka mid ah shaqaalihiisa saldhig ciidan oo ku yaalla Qatar.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM