​Dilma Rousseff oo dacwad laga gudbiyay

Image

Guddi ka tirsan congress-ka Brazil ayaa ku taliyay in xilka laga qaado madaxweynaha dalkaasi Dilma Rousseff, kadib markii lagu helay wax isdaba marin iyo ka been sheegis dhaqaalaha dalkaasi ku aadan.

Arrintan ayaa la filayaan inay cod u qaadaan Barlamanka waddankaasi todobaadka soo socda, inkastoo ay jiraan dad diidan arrimaha lagu eedeeyay iyagoo ku andacoonaya in tallaabo ku haboon dacwadaasi loo marin.

Kulanka gudiga ayaa waxaa hareeyay buuq, markii ay go'aanka gaareena waxaa heesta calanka ee Brazil qaaday xubnaha mucaaradka ku ah madaxweyne Dilma Rousseff.

Dhanka kale, waxaa magaalada Rio de Janiero isugu soo baxay kumannaan taageersan madaxweynaha xilka haysa, waxaana ay qaadayeen heeso taageera ah.

Madaxweynihii hore ee Brazil, Luiz Inácio Lula da Silva, oo taageersan madaxweyne Rousseff, ayaa ka hadlay isu soo baxaasi, waxaana uu go'aanka gudiga ku tilmaamay afgembi ka dhan ah madaxweynaha.

Dalka Brazil ayaa dhaqaalo ahaan u muuqda mid hoos u dhac ku yimi sida laga soo xiganayo warbaahinta dalkaasi, waxaase Dilma uu markasta sheegaa inuu kobcay dhaqaalaha dalkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM