Dimoqraadiga oo ka shaqeynaya xil ka qaadis lagu sameeyo Trump

Image

Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka, Nancy Pelosi ayaa meesha ka saartay xil ka qaadis lagu sameeyo madaxweyne Trump, ayada oo sheegtay inuusan mudneyn, inkasta oo ay taasi si aad ah u doonayaan qaar ka mid ah xubnaha bidixda fog ee xisbigeeda dimoqraadiga.

Wareysi ay siisay Washington Post ayay Pelosi ku sheegtay “ma taageersani xil ka qaadis lagu sameeyo Trump”

“Illaa ay jiraan caddeymo aad u weyn iyo taageero labada dhinac ah mooyee, ilama ahan inaan waddadaas marno, sababto ah waxay kala qeybineysaa waddanka” ayay tiri Pelosi.

Hadalka Pelosi ayaa muujinaya is-beddel ku yimid dimoqraadiga oo markii hore si aad ah u aaminsanaa in mooshin xil ka qaadis oo ka dhan ah madaxweynaha ay horgeeyaan aqalka wakiilada.

Mid ka mid ah sababaha ayaa ah ayada oola rumeysan yahay in ay badan tahay in natiijada baaritaanka Robert Mueller ay noqon doonto mid aan adkeyn oo caddeymo buuxa oo dambiyeed ku heli doonta madaxweynaha.

Sidoo kale, guddoomiyaha guddiga la socoshada iyo isbeddelada ee Congress-ka, Elijah Cummings ayaa ku raacay Pelosi fikirkeeda, wuxuuna sheegay in xil ka qaadista ay u baahan tahay inay taageeraan labada xisbi, taasi oo hadda aan muuqan.

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM