Diyaarad helicopter uu milatariga Ruushka leeyahay oo lasoo saarey

Image

MOSCOW, Russia – Diyaarad nooca qumaatiga u kacda isla markaana ah kuwa dagaalada loogu talagalay uuna leeyahay milatariga Ruushka ayaa lagu soo riday gudaha Armenia si gaar ah meel ku dhow sohdinta Azerbaijan.

Wasaaradda Gaashaandhiga Ruushka oo warkaas ku sheegtay bayaan ay Isniinta maanta ah soo saartey ayaa waxay daaha ka rogtay in laba kamid ahaa howlwadeenadii saarnaa diyaaradda ay ku naf-waayeen falkaas.

War-saxaafadeedka oo ay faafisay Wakaaladda Wararka Ruushka ee TASS ayaa lagu xaqiijiyey in sarkaal ciidan uu dhaawac kasoo gaarey dhacdadan.

"Qof dhulka joogay oo isticlaamay garneelada garbaha laga gano ayaa soo riday diyaaradda," ayaa lagu yiri warbixinta ay baahisay Wakaaladda TASS.

Sidda ku cad warka qoraalka ah, diyaaradda ayaa galbineysay kolanyo. Hasayaashee, lama caddeyn ujeedada kolanyadda.

Ruushka ayaa saldhig wuxuu ku leeyahay gudaha Armenia, balse meesha ay wax ka dhaceen waxay xerada u jirtaa qiyaastii 150 KM ama 90 miles.

Nakhchivan oo ah magaaladda lagu soo riday diyaaradda ayaa 70 KM u jirta gobolka ay ku muransan yihiin Armenia iyo Azerbaijan ee Nagorno-Karabakh. Ma cadda hadii riditaanka diyaaradda la xiriirto colaada ka aloolsan.

Riditaanka diyaaradda ayaa kusoo hagaageysa iyaddoo Azerbaijan ay shalay sheegatay in ay la wareegtay magaaladda labaad ee ugu weyn gobolka, Shusha, taasoo si lamid ah aad ugu dhow caasimadda gobolkan muhiimk ah.

Ruushka ayaa taageero weyn u ah Armenia, halka Turkiga uu barataato Azerbaijan. Ankara iyo Moscow waxay todobaadkii hore kawada hadleen qaabka loo qaboojin karo colaada, hasayaashee, wali is-faham kama gaarin.

In ka badan kun qof oo isugu jira askar iyo shacab ayaa lagu waramay in ay ku dhinteen colaadan dib u qaraxdey saddex todobaad kahor; xabad-joojin ay ku heshiiyeen ayaa burburtay; baaqyada wadahadalka way isa soo tarayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM