Diyaarad rakaab ah oo ka duushay caasimadda Iran oo burburtay

Image

TEHRAN, Iran - Diyaarad nooca rakaabka ah oo ay saarnaayeen 180 qof oo rakaab ah ayaa kusoo dhacday meel ku dhow garoonka diyaaradaha caasimada Iran ee Tehran waxyar kadib markii ay duushay.

Ma cadda in burburkan diyaaradeed uu xiriir toos ah la leeyahay xiisadda cirka isku sii shareereysa ee u dhaxeysa Mareykanka iyo Iiraan oo xoogeysatay kadib dilkii Qaasim Suleymaani.

Dhacdadaan ayaa timid saacado kadib markii Iiraan ay duqeysay saldhigyo uu Mareykanka ku leeyahay waddanka Ciraaq ee dhaca qaaradda Aasiya.

Wakaaladda wararka dalka Faransiiska laga leeyahay ee AFP ayaa kasoo xigatay Talafishinka Qaranka Iran in shilkan diyaaradeed uu ka dhashay "cilad dhanka matoorka ah".

Diyaaradan oo laga leeyahay waddanka xulafada la ah Mareykanka ee Ukraine ayaa kusii jeeday magaaladda caasimadda ah ee Kyiv, sidda ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Sawirro laga soo qaadey meesha uu shilku ka dhacay oo lagu faafiyey baraha bulshadda ayaa muujinaya burbur iyo dab xoogan oo ka dhashay burburka diyaaradda.

Diyaaradda burburtay ayaa nooceedu ahaa Boeing 737, waxaana diyaaradaha ay sameyso shirkaddan sanadihii dambe ay ahaayeen kuwa inta badan ku lug-yeesha shilal, taasoo shaki gelisay badqabkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM