Diyaarad rakaab ah oo ka duushay caasimadda Iran oo burburtay

Image

TEHRAN, Iran - Diyaarad nooca rakaabka ah oo ay saarnaayeen 180 qof oo rakaab ah ayaa kusoo dhacday meel ku dhow garoonka diyaaradaha caasimada Iran ee Tehran waxyar kadib markii ay duushay.

Ma cadda in burburkan diyaaradeed uu xiriir toos ah la leeyahay xiisadda cirka isku sii shareereysa ee u dhaxeysa Mareykanka iyo Iiraan oo xoogeysatay kadib dilkii Qaasim Suleymaani.

Dhacdadaan ayaa timid saacado kadib markii Iiraan ay duqeysay saldhigyo uu Mareykanka ku leeyahay waddanka Ciraaq ee dhaca qaaradda Aasiya.

Wakaaladda wararka dalka Faransiiska laga leeyahay ee AFP ayaa kasoo xigatay Talafishinka Qaranka Iran in shilkan diyaaradeed uu ka dhashay "cilad dhanka matoorka ah".

Diyaaradan oo laga leeyahay waddanka xulafada la ah Mareykanka ee Ukraine ayaa kusii jeeday magaaladda caasimadda ah ee Kyiv, sidda ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Sawirro laga soo qaadey meesha uu shilku ka dhacay oo lagu faafiyey baraha bulshadda ayaa muujinaya burbur iyo dab xoogan oo ka dhashay burburka diyaaradda.

Diyaaradda burburtay ayaa nooceedu ahaa Boeing 737, waxaana diyaaradaha ay sameyso shirkaddan sanadihii dambe ay ahaayeen kuwa inta badan ku lug-yeesha shilal, taasoo shaki gelisay badqabkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM