Diyaarad uu la socday ra'iisul wasaare oo si degdeg loosoo dejiyay

Image

ISLAMABAD, Pakistan – Diyaaradii waday ra'iisul wasaaraha Pakistan, Imran Khan ayaa si degdeg ah ugu laabtay New York kadib cilado yar oo soo wajahay, sidda ay shaacisay warbaahinta dowladda, Sabtidii.

Radio Pakistan ayaa wuxuu ku waramay in diyaaradii wadey Khan iyo wafdigiisa ay kolkii dambe dib ugu soo laabteen waddankaas.

Balse waxay sii mareen New York markii cilado farsamo laga soo wargeliyay magaaladda Toronto ee dalka Canada, halkaasi oo markii hore qorshuhu ahaa in ay cagta sii mariyaan.

"Cilado farsamo oo yar ayaa dhacay; walina ma cadda waxay sababay walaaca," ayaa lagu yiri warbixinta Idaacadda sii deysay.

Waxyar kadib markii ay dib u cago dhigteen New York, Khan ayaa ku laabtay huteelkiisa soo dhaweynta isaga oo ay wehliyaan wafuudiisa kala qeybgashay shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

"Cilado farsamo oo diyaaradii soo wajahdey wadadeeda ra’iisul wasaaruhu wuxuu habeen ku qaatay huteelka," ayuu yiri xafiiskiisa.

Imran Khan, oo horey u ahaa xidig dheela ciyaarta loo yaqaano Cricket-ka oo caan ka ah meelo kamid ah qaaradda Aasiya ayaa kamid ah hogaamiyeyaashii loogu daawashada badnaa khudbadahooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM