Diyaaradda France oo laga helay qarax macmal ah

Image
Image

21 December, 2015(GO)-Baaritaan lagu sameeyay aalad laga helay diyaar shaki Bamb dartiis ugu dagtay magalada Mumbasa dalka Kenya ayaa waxaa la ogaaday inuu ahaa qarax macmal ah iyadoo loo xiray afar kamid ah dadkii diyaaradda saarnaa.

Diyaaradda oo lagu magacabo Air Franca ayaa katimi magalada Mauritius dalka Island, waxayna ku sii jeeday Paris xarunta Faransiiska, balse waxa hakad galiyay shaki lagu muujiyay alaab kartoon ku xiran una eg qarax oo laga helay musqusha diyaaradda.

Boliiska dalka Kenya iyo khuburo faransiis ah ayaa baaritaan ku sameeyay aaladda, waxayna ogaadeen inuusan ahayn qarax balse loo ekeysiiyay, waxayna su'aalo weydiiyeen rakaabkii diyaaradda.

Afar kamid ah ayaa Boliisku ka shakiyay, waxaana la dhigay xabsiga si baaritaano dheeri ah loogu sameeyo.

Madaxa shirkadda iska leh diyaaradda ayaa ka mahad celiyay dadaalka loo galay arrintaasi iyo bad baadinta shacabka.

Bishii Octobar ayay ahayd markii ay qaraxday diyaarad laga leeyahay dalka Rushka, waxaan baaritaan dheer kadib la ogaaday in walxaha qarxa lagu sii diyaariyay, kadib ku qaraxday gacanka Sinai dalka Masar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM

Sacuudiga oo Ku Dhawaaqay Maalgashi $600 Bilyan ah oo ay Ku Samaynayo Mareykanka

Maalgashigan ayaa la filayaa inuu noqdo mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee Sacuudi Carabiya ku sameyso dalka dibaddiisa.

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 11:39AM