Donald Trump oo "cafis u fidinaya" sarkaal dhibaateeyay dad Soomaali ah

Image

WASHINGTON, US – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa laga yaabaa in uu cafiyo sarkaal baxsad ah kaasoo sabab u noqdey in ay xabsi galaan shaqsiyaad Soomaali ah, sidda ay warisay warbaahinta maxaliga.

Mareegga Global Village Space ayaa tabiyey in suurtagalnimada cafinta Edward Snowden ay xoogeystay markii Trump uu ka waramay kiiska dhacay 2013-kii isla markaana si weyn u qabsatay hadalheynta gudaha USA.

Trump oo galkaan kaga hadlay wareysi uu siiyey wargeyska New York Times ayaa difaacay Snowden, isagoo tibaaxay in uu dib u eegayo.

"Dad badan waxay ii arkaan in aan cadaalad sameyn, macnaha waan maqlay arrintaas," ayuu yiri. "Qaar kale waxay arkaan in uu wax fiican sameeyay, kuwa kalena qalad, marka si wanaagsan baan ula tacaamulayaa".

Edward Snowden ayaa ka cararay gudaha Mareykanka markii uu soo bandhigay codad sababay in Al-Shabaabnimo iyo maalgelinta koox argagixiso ah lagu soo oogo afar Soomaali ah isla markaana la maxkamadeeyay.

Soomaalida ku nool San Diego ayaa kala ah; Basaaly Saeed Moalin, Ahmed Nasir Taalil Mohamud, Mohamed Mohamud, iyo Issa Doreh.

Codadka uu baahiyey Edward Snowden ayaa qayb ka ahaa Barnaamij Hay'adda Sirdoonka Mareykanka ay ku basaaseysay Muslimiinta kadib weerarkii daaraha mataanaha, wallow ay hay'addu iska fogeysay arrintaas.

Saraakiil ka tirsan mukhaabaraadka Mareykanka ayaa dhowr jeer ku celceliyey in Edward Snowden uu shaqadaas qabtay ogolaanshiyo la'aan.

Maxkamad heer federaal ah ayaa todobaadkii hore xukuntay in Edward Snowden uu sharci darro ku kacay, balse xukunkaas ma bedeli karo go'aanka xabsiga lagu geliyey Soomaalida kuwaasoo ka cabanaya cadaalo darro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM