Donald Trump oo difaacay khaarijinta Qaasim Suleymaani

Image

WASHINGTON, US – Donald Trump oo difaacay dil ay ciidamadda Mareykanka kula kaceen Jeneraal sarre oo Iiraani ah ayaa Twitter-ka kusoo qoray "waxay ahayd in sanado kahor laga takhaluso".

Gaashaanle Sarre Qaasim Suleymaani ayaa lagu dilay duqeyn ka dhacday xeendaabka garoonka diyaaradaha Baqdaad. Weerarkan wuxuu xoojin karaa xiisada Washington iyo Tehran.

Iiraan oo durba ka falcelisay geerida Suleymaani ayaa ku hanjabtay in ay sameyn doonto "aargoosi burbur horseedi doonta".

Suleymaani ayaa tan iyo 1997-dii ahaa Taliyaha ciidanka Quds, oo ah waaxda mukhaabaraadka dibadda u qaabilsan Iiraan.

Muddo saacado ah kadib, Trump ayaa sheegay in Suleymaani uu mas'uu ka ahaa "dilka ama dhaawac daran oo loo geystay Ameerikaan badan uuna maleegayey kuwa kale, balse la qabtay".

"Wuxuu si toos ah iyo si dadban mas'uul uga ahaa geerida malaayiin ay ku jiraan banaanbaxayaashii lagu dilay Iran. Suleymaani waa laga baqayey lagana necbanaa gudaha Iiraan," ayuu xusay.

Qaasim Suleymaani ayaa ahaa shaqsiga labaad ee ugu awooda badan Iiraan, marka laga soo tago Aayatulah Cali Qamani.

Falanqeeyeyaasha ayaa rumeysan in dhimashada Suleymaani ay keeni karto dagaal ka qarxa Bariga Dhexe, oo haatan loo aqoonsan yahay meesha ugu badan ee uu ka jiro loolanka dowladaha caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM