Donald Trump oo difaacay khaarijinta Qaasim Suleymaani

Image

WASHINGTON, US – Donald Trump oo difaacay dil ay ciidamadda Mareykanka kula kaceen Jeneraal sarre oo Iiraani ah ayaa Twitter-ka kusoo qoray "waxay ahayd in sanado kahor laga takhaluso".

Gaashaanle Sarre Qaasim Suleymaani ayaa lagu dilay duqeyn ka dhacday xeendaabka garoonka diyaaradaha Baqdaad. Weerarkan wuxuu xoojin karaa xiisada Washington iyo Tehran.

Iiraan oo durba ka falcelisay geerida Suleymaani ayaa ku hanjabtay in ay sameyn doonto "aargoosi burbur horseedi doonta".

Suleymaani ayaa tan iyo 1997-dii ahaa Taliyaha ciidanka Quds, oo ah waaxda mukhaabaraadka dibadda u qaabilsan Iiraan.

Muddo saacado ah kadib, Trump ayaa sheegay in Suleymaani uu mas'uu ka ahaa "dilka ama dhaawac daran oo loo geystay Ameerikaan badan uuna maleegayey kuwa kale, balse la qabtay".

"Wuxuu si toos ah iyo si dadban mas'uul uga ahaa geerida malaayiin ay ku jiraan banaanbaxayaashii lagu dilay Iran. Suleymaani waa laga baqayey lagana necbanaa gudaha Iiraan," ayuu xusay.

Qaasim Suleymaani ayaa ahaa shaqsiga labaad ee ugu awooda badan Iiraan, marka laga soo tago Aayatulah Cali Qamani.

Falanqeeyeyaasha ayaa rumeysan in dhimashada Suleymaani ay keeni karto dagaal ka qarxa Bariga Dhexe, oo haatan loo aqoonsan yahay meesha ugu badan ee uu ka jiro loolanka dowladaha caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Norway: Hashim Abdi oo noqday Xildhibaanka ugu da’yar oo Soomaali ah

"Waa arrin aad u waalli ah. Waa sheekada Norway – in wiil ka yimid Trara uu gaaro qolka awoodda."

  • Caalamka

    10-09-2025

  • 07:14AM

Waa Kuma Khalil al-Hayya: Hoggaamiyaha Xamaas ee Israel rabtay inay ku disho Weerarkii Qatar?

al-Hayya wuxuu awooday in uu si xor ah ugu safro dalalka deriska ah, taasoo u sahashay in uu ka madax bannaano xayiraadda ay Israa’iil saartay Gaza.

  • Caalamka

    10-09-2025

  • 06:27AM