Donald Trump oo eryay Wasiirkii Gaashaandhigga Mareykanka

Image

WASHINGTON, US – Donald Trump oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twittter ayaa wuxuu shaaca ka dhigay in uu xikii ka qaadey Mark Esper, oo ahaa Wasiirka Gaashaandhigga wadanka Mareykanka.

Christopher C Miller, madaxa xarunta la dagaalanka argagixisada, ayuu ka dhigay si-haayaha wasiirka wasaaraddaas. Aqalka Sare ayuu ka dhawaajiyey in uu cod wada ogol ah ku ogolaaday magacaabida.

Si dhab ah looma ogga sababta dhata ah ee keentay in Trump uu si lama filaan ah u eryo Esper waxyar laba sano xafiiska joogay.

Telefishinka NBC News ayaa horey u wariyey in Trump iyo Esper uu ka dhaxeeyo khilaaf salka ku haya in ciidamadda milatariga ay ka jawaabaan dibad-baxyadda isla markaana wasiirka uu is-casilaad codsaday.

Sidda ku xusan warbixinta, Esper ayaa is-casilaada dalbadey markii Mareykanka u dareeray doorashooyin iyo kahor inta aan lagu dhawaaqin in Joe Biden uu noqonayo madaxweynaha 46aad ee Mareykanka.

Trump oo dacwad ka furay guusha Biden ayaa aaminsan in la musuqmaasuqay coddeynta, hasayaashee, ma soo bandhigin caddeymo xoojinaya sheegashadiisa taasoo uu ku lumiyey saaxiibadii Jamhuuriyiinta.

Bisha Janaayo ee sanadka dambe 2021 ayaa la filayaa in Biden loo caleema saaro madaxweynaha 46aad ee Mareykanka isagoo noqonaya hogaamiyihii ugu da'da weynaa taariikhda USA maadaama uu yahay 77-jir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM