Donald Trump oo farageliyey xukun lagu riday siyaasi ay saaxiibo yihiin

Image

WASHINGTON, US – Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa dhimay xukun xabsi ah oo lagu ridday siyaasi ay saaxiibo yihiin isla markaana horey u soo noqdey lataliyihiisa, Roger Stone.

Stone ayaa muddo 40 bilood ah waxaa loogu xukumay in uu been u sheegay Congress-ka, carqaladeyn iyo faragelinta marqaatiyeyaal.

Maxkamadda Rafcaanka ee Washington DC ayaa ku gacan-seyrtay dalab ka yimid Stone oo ahaa in dib loo dhigo muddeynta kiiska.

Stone ayaa kamida lix shaqsi oo ku dhow Trump, kuwaasoo lagu helay in ay ku lug-lahaayeen isku dayga Ruushka ee faragelinta doorashooyinka Mareykanka iyo ololihii madaxweynaha talada haya ee 2016.

67-sano jirkaan ayaa lagu waddaa in loo wareejiyo xabsi heer federaal ah oo ku yaala magaaladda Jesup ee ismaamulka Georgia.

Aqalka Cad oo difaacay talaabadda Trump ayaa sheegay in Stone loola dhaqmay "si cadaalo darro ah uuna mudan yahay in loo hiiliyo".

Dimuqraadiyiinta kasoo horjeeda maamulka Trump oo cambaareeyay talaabadan ayaa ku sifeeyay "xadgudub ka dhan ah sharciga".

Dastuurka Mareykanka ayaa xeerinaya in madaxweynaha uu awood u leeyahay in uu dhimo xukunadda iyo in uu cafis u fidiyo dambiyadda ka dhanka ah Mareykanka, marka laga reebo kuwa xil ka xayuubinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM