Doon hub ka buuxo oo lagu qabtey xeebaha ku dhow dalka Somalia

Image
Image

PERTH, Australia- Ciidamada Badda Australia ayaa qabtey tiro badan oo hub ah, kuwasoo ay ku jiraan 2000 qori AK-47, dooni kuwa kaluumeysiga ah ee ku sugnayd biyaha gacanka Carbeed.

Markabka la yiraahdo HMAS Darwin ayaa ciidamadiisa waxa ay dushiisa fuuleen doontaan kaluumeysiga oo mareysay markaas meel ku dhow xeebta dalka Oman iyadoo laga heley qoryaha loo yaqaaan AK-47 kuwasoo la sameeyey sanadkii 1989, 100 qoryaha lagu rido basuukaha, 49 boobe iyo hub kale kuwasoo lagu qariyey shaabagaha kaluumeysiga.

Saanadaan ayaa la qabtey iyadoo la adeegsanayo fasaxa Qaramada Midoobey ee cunaqabatey Hubka saaraan Somalia. Doontaan ayaa ku wajahneyd dalka Somalia sida uu sheegey ku xigeenka sarkaalka hogaaminayey howlgalkaan David Johnston kaasoo xusey in ay aheyd talaabo muhiim ah kadib markii Markabkaan dhowaan ku soo biirey howlgalada lagu sugayo amniga kuwasoo lagu dagaalamayo kooxaha argagixisada ah ee ka howlgala gobolkaas.

Ku guuleysiga qabashada hubkaan ayaa hoosta ka xariiqeysa baahida loo qabo in doonyaha kaluumeysiga lagu sameeyo baaritaano" sidaas waxaa yiri ku xigeenka howlgalka ciidamada Australia ka wadaan xeebaha Somalia.

Doonyaha kaluumeysiga oo faraba'an ku haya kaluunka Somalia ayaa intooda badan waxaa laga leeyahay dalka Iran kuwasoo ka howlgala xeebaha Puntland.

Puntland oo deegaanadeeda hoos timaado xeebta ugu dheer Somalia ayaa waxaa si sharci daro uga kaluumeysta doonyo laga leeyahay dalka iran kuwasoo wakiilo ka yihiin shaqsiyaad Somali ah ayaa la rumeysan yahay in hub iyo arrimo kale ee sharci daro ah keenaan.

Dhulka xeebta Puntland ayaa waxaa sidoo kale ku dhumaaleysta kooxaha argagixisada ah iyo kuwo ka tirsanaan jirey burcad badeedka laga adkaadey.

Warsidaha GAROWE ONLINE ayaa xogtaan inteedeeda badan ka soo xigtey waregeyska WESTEREN AUSTRALIA TODAY 'WA TODAY'

Related Articles

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM