Doorashadda Canada: Trudeau oo adkaadey balse lumiyey aqlabiyadda

Image

TORONTO, Canada – Xisbiga Justin Trudeau ayaa awooda ku difaacday doorasho aad loogu loolmay balse wuxuu haatan ra'iisul wasaare u noqon doonaa dowlad laga tirro badan yahay.

Qaar kamid ah hogaamiyeyaasha caalamka ayaa durba bilaabay in ay hambalyo u diraan kooxda Trudeau.

Xisbiga Xorriyadda ee Trudeau oo baarlamaanka ka helay 157 kuraas ayaa u baahan 13 kursi, waxayse tani adkeyneysaa in ay meelmariyaan shuruuc inta uu xafiiska joogo Trudeau.

Xisbiga muxaafadka ee mucaradka ah ayaa la rajeynayay in ay guuleysan doonan balse way seegeen.

Kuraas gaareysa 121 ayay ka heleen coddeynta, inkasta oo kahor doorashadda ay haysteen 95 kursi.

Xisbiga dhinaca bidix u jaran-jeera ee New Democratic Party oo helay 24-kursi ayaa iyaga iyo hogaamiyahaooda Jagmeet Singh, waxayna noqon karaan "boqorada" wada hadalada.

Bloc Quebecois, oo ah xisbi go'aani u goosad la doonaya gobolka Quebec, ayaa soo kabasho fiican sameeyay. Kuraas gaareysa 32 ayay heleen, iyaga oo doorashadii 2015-kii helay 10.

Sidda lagu sheegay warbixin horudhac ah oo saxaafadda baahisay, isu soo baxa ka qeyb-qaadashada doorashadda ayaa gaaraysa 65%.

Trudeau oo ka adkaaday kiisas waaweyn oo lagu furay sida fadeexado lagu eedeeyay ayaa haatan u muuqda mid lugaha lasii galaya xaalad kale oo ah in uu soo dhiso dowlad wadaag ah.

Natiijada doorashadda Canada

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu iyo Trump oo isku khilaafsan tallaabo cusub oo ka dhan ah Iran

Khilaafka ayaa sidoo kale la xiriira isku dayga Trump ee lagu doonayo in dagaallada Bariga Dhexe la dejiyo.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 06:01PM

Maraykanka iyo Iran oo billaabay wada-hadallo qarsoodi ah

Wada-hadallada ayaa ku soo beegmaya xilli ay weli taagan yihiin khilaafaadyo waaweyn oo ay ka mid yihiin barnaamijka nukliyeerka Iran.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 05:16PM