Dowlada Jabuuti oo ciidamo hor leh usoo dirtey Somalia

Image

February 12, 2015 (GO)- Dowlada Jabuuti ayaa ciidamo dheeri ah usoo dirtey dalka Soomaaliya. Ciidamadan oo tiradoodu boqolaal askari gaareyso waxay maanta kasoo degeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyn.

Mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiil ka socdey hoogaanka ciidamada AMISOM ayaa askarta Jabuutiyaanka ah si diirran usoo dhoweeyey.

Wasiirka Arimaha Dibada Jabuuti oo bishii hore ee January Muqdisho soo gaarey, wuxuu sheegay in dalkiisu ciidamo hor leh usoo diri doono Soomaaliya si ay qayb uga noqdaan hawlgalka nabad-ilaalinta ee AMISOM.

Jabuuti ayaa sanadkii 2011 kusoo biirtey hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM