Dowlada Jabuuti oo ciidamo hor leh usoo dirtey Somalia

Image

February 12, 2015 (GO)- Dowlada Jabuuti ayaa ciidamo dheeri ah usoo dirtey dalka Soomaaliya. Ciidamadan oo tiradoodu boqolaal askari gaareyso waxay maanta kasoo degeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyn.

Mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiil ka socdey hoogaanka ciidamada AMISOM ayaa askarta Jabuutiyaanka ah si diirran usoo dhoweeyey.

Wasiirka Arimaha Dibada Jabuuti oo bishii hore ee January Muqdisho soo gaarey, wuxuu sheegay in dalkiisu ciidamo hor leh usoo diri doono Soomaaliya si ay qayb uga noqdaan hawlgalka nabad-ilaalinta ee AMISOM.

Jabuuti ayaa sanadkii 2011 kusoo biirtey hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Ku Hanjabay Canshuuro Cusub oo ka Dhan ah Yurub, Kuna Xiray Arrinta Greenland

Trump, oo marar badan muujiyay rabitaankiisa ah in Mareykanku la wareego Greenland …

  • Caalamka

    17-01-2026

  • 06:32PM

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM