Dowlada Kenya : Kuno ayaa ka dambeeyey weerarka Gaarisa

Image

GAARISA April 2,2015 (GO)- Weerarka maanta loo gaystey Jaamacada Garisa ayaa waxaa la rumeysan yahay inuu ka dambeeyey abaabulkiisa nin u dhashey wadanka islamrkaana ahaa macalin hore.

Maxamad Kuno Gacmadheere oo baxsad ku jirey tan iyo sanadkii hore ayaa dowlada Kenya 215,0000 USD madaxiisa saartey qofkii soo sheega halka uu ku sugan yahay.

Kuno ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inuu madax u ahaa weerarkii lagu qaadey magaalada Mandhera kaasoo lagu diley 58 qof.

Maxamad Kuno ayaa sirdoonka Kenya sheegeen inuu madax ka ahaa Iskuul magaciisa la yiraahdo Najah isagoo loo yaqaaney Sadex magac; Shiikh Maxamad, Dulyadin iyo Gacmadheere.

Gacmadheere ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inuu ku biirey kooxdaan markii ay bilowdeen ururkii loo aqoon jirey Maxaakiimta kuwaasoo markii dambe kooxda Al-Shabaab ka dilaacdey. Kuno inta aan loo magacaabin weerarada Al-shabaab ka fuliso dalka Kenya ayaa ka tirsanaa sarakiisha kooxdaan oo ka howlgali jirtey gobolada Jubooyinka.

Gobolada Jubooyinka ayaa xuduud dheer la wadaaga wadanka Kenya gaar ahaan Mandhera, Wajir, Garisa iyo Lamu.

GAROWEONLINE+ WAKALADAHA

 

Related Articles

Pakistan oo sheegtay inay soo riday diyaarado dagaal oo India leedahay

Dowladda Hindiya weli kama aysan hadlin sheegashada Pakistan, iyadoo xiisadda u dhexeysa labada dal ay cirka isku shareertay mar kale.

  • Caalamka

    07-05-2025

  • 01:27PM

Trump oo Dhimaya 20% Tirada Jeneraalada Sare ee Ciidamada Mareykanka

Hegseth oo muuqaal soo dhigay barta X (horey Twitter) ayaa sheegay in siyaasaddan cusub ee uu ugu magac daray.

  • Caalamka

    06-05-2025

  • 07:33AM