Dowlada Kenya oo xabsiga dhigtey wariye

Image

NAIROBI-Ciidamada Kenya ayaa xabsiga u taxaabey wariye Yasin Juma kadib markii baraha bulshada kuwada hadasho galiyey sawiro ka hadlaya weerarkii kooxda Al-shabaab ku qaadey saldhiga ay ku lahaayeen Ceelcade dalka Somalia.

Ciidamada baara dambiyada ayaa sheegey in Juma lagu xirey isagoo si joogta ah ugu qura bartiisa Facebook iyo Twiter weerarada kooxda Al-shabaab ku qaado ciidamada Kenya.

Yasin Juma ayaa saaka aroortii 8pm waxaa gurigiisa oo ku yaala xaafada Donholm magaalada Nairobi ciidamada nabadsugida waxaana la geeyey saldhiga Booliska Muthaiga.

"Waxaan ka imid Isbitaalka markaan arkey labo gaari oo ku ciidanka ah kuwasoo baarey gurigeyga kadibna I geeyey saldhiga Booliska" ayuu yiri Yasiin Juma oo la hadley saxaafada.

Juma ayaa sheegey dhinaca kale inuusan ogeyn eedymaha loo haysto islamarkaana aan loo sheegin dambiga uu galey.

Wasiirka difaaca Dowlada Kenya Joseph ole Nkaissery ayaa maalin kadib weerarka lagu qaadey ciidamada KDF sheegey in talaabo laga qaadayo wariye faafiya sawirada askarta kuwasoo loo fahmayo iney dacaayad u sameynayaan ururka Al-shabaab.

Maj Gen (Rtd) Nkaissery ayaa saxaafada u sheegey in Juma inuu yahay wariyaasha wanaajiya kooxda Al-shabaab islamarkaana dhinaca xun dhiga ciidamada Kenya taasna waxaa markhaati ka ah qoraaladii uu ka qorey weerarkii Mandhera 2015 kuwasoo dad badan lagu diley.

Ciidamada Dowlada Kenya ayaa 15 Jan, 2016 waxaa lagu weerarey xero ku taal degaanka Ceelcade gobolka Gedo halkaasoo khasaare aan la shaacin kasoo gaarey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Iran oo soo riday diyaarad, duuliye Mareykanka oo la raadinayo

Tehran ayaa kaga jawaabtay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, iyo sidoo kale Urdun.

  • Caalamka

    03-04-2026

  • 06:19PM

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM