Dowladda Ingiriiska oo Safiir cusub usoo magacawday Somalia

Image

LONDON - Boqortooyadda Ingiriiska ayaa maanta oo Arbaco shaacisay in safiir cusub usoo magacowday Somalia, kaasi oo bedeli doona David Concar oo xafiiska joogay tan iyo 2016.

Ben Fender ayaa magacaabidiisa lagu xaqiijiyay war qoraal ah oo lagu daabacay bogga waaxda arrimaha dibadda ee dalka Ingiriiska, iyadoo lagu sheegay in Safiirka cusub uu la wareegi doono shaqada bisha Febuary ee 2019.

Danjire Ben Fender ahaa ah diblomaasi mudo dheer arrimaha dibadda kasoo shaqeeyay, oo ay kamid yihiin Iran, Falastiin, China, Afghanistan iyo France, oo wasaaradda arrimaha dibadda kala soo shaqeeyay.

Ben Fender ayaa ka hor inta aan loo soo magacaabin Safiirka Somalia hayay xilka madaxa siyaasadda amniga ee xafiiska arrimaha dibedda Ingiriiska, wuxuuna hore usoo noqday ku xigeenka safiirka UK ee dalka Iran.

Ingiriiska ayaa kamida dalalka sida dhaw u daneeya arrimaha Somalia, waxayna ku marti-gelisay London dhowr Shir oo arrimaha dalka, gaar ahaan colaadaha, dowlad-dhisida, dib u heshiisinta iyo arrimaha bini'aadnimada looga hadlay.

Safaaradda Ingiriiska ayaa ku taalla gudaha xarunta AMISOM ee Xalane, waxaana ka shaqeysaa oo kaliya arrimaha diblomaasiyadda ee ku wajahan Somalia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM