Dowladda iyo mucaaradka Koonfurta Sudan oo heshiiyey

Image

February 2, 2015 (GO)- Dowladda iyo mucaaradka dalka Koonfurta Sudan ayaa heshiis rasmi ah ku kala saxiixdey shalay oo Axad ahayd magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Heshiiskan oo urur goboleedka IGAD qayb libaax ka qaatey, waxaa labada dhinac u kala saxiixey Madaxweyne Salva Kiir iyo ku-xigeenkiisii hore xiliganse ah hogaamiyaha mucaaradka Riek Machar.

Qodobada ugu muhiimsan ee heshiisku dhigayo waxaa kamid ah:

  • In Madaxweyne Salva Kiir xilka sii hayo.
  • In Riek Machar loo soo magacaabo madaxweyne ku-xigeen.
  • In awooda loo qaybiyo sidan: 60% dowlada hada talada haysa, 30% mucaaradka uu Riek Machar hoggaamiyo iyo tobanka haray oo la siinayo axsaabta kale iyo maxaabiista siyaasadeed ee dhowaanta la sii daayey.
  • In lasoo dhiso xukuumad madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenku xubno ka yihiin.
  • In Barlamanka oo hada ka kooban 332 xildhibaan laga dhigo 400 oo xildhibaan.

Heshiiska awood qaybsiga ku salaysan ee dowlada iyo mucaaradka Koonfurta Sudan wada gaareen, waxaa la filayaa inuu soo afjaro degenaansho la'aanta siyaasadeed iyo colaaddii ka aloosneyd dalkaas 15-kii bilood ee lasoo dhaafey.

GAROWE ONLINE + Reuters 

Related Articles

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM