Dowladda Masar oo cafisay wariyaasha Aljazeera

Image

24 September, 2015(GO)-Labo wariye oo  ka tirsan Aljazeera ayaa xoriyadooda dib u helay ka dib boqol maxaabiis laga sii dayay xabsi ku yaalla Qaahira.

Mohammed Fahmy, oo Canadian ah iyo Baher Mohamed, oo Masri ah ayaa madax banaanidooda helay ka hor inta madaxweyne Cabdul Fataax al-Sisi aadin shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay ee ka dhacaya magaalada New York.

Wariyaasha la sii dayay ayaa lagu xukumay saddex sano oo xarig ah bishii hore, ka dib markii lagu eedeeayay taageero ay u muujiyeen argagixiso.

Peter Greste oo lala xiray weriyayaashan ayaa laga masaafuriyay Qaahiro sanadkan horraantiisi, waxaana rrintan dhalisay olole ballaaran oo xorriyadda hadalka oo caalamka dhan ah.

Madaxweynaha Masar ayaa lagu wadaa inuu u safro magaalada New York si uu uga ka qaybgalo shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay.

GAROWEONLINE+WAKAALADAHA

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM