Dowladda Somalia oo xiriirka u jartay Iran

Image

07 January, 2016(GO)-Dowladda Somalia ayaa shaacisay inay xiriirka diblomaasiyadeed u jartay xukuuadda Tehran kadib kulan ay isugu yimaadeen golaha xukuumadda Somalia oo ka dhacay magalada Muqdishu.

Arrintan ayaa loo aaneeyay markii dowladda Iran lagu eedeeyay inay Somalia kawaday faafinta madhabka Shiicada, iyadoo dhawaan lasoo bandhigay labo ruux oo falkaas loo soo qabtay.

“Mas’uuliyiinta Safaaradda Iran iyo hay’adda Al Khudmeyni waxay si joogto ah u booqdaan degmooyin ka tirsan dalka, iyaga oo ogeysiinin wasaaradaha ku shaqada leh, waxayna isku dayeen inay abuuraan kooxo hubeysan oo la mid ah kuwa ka jira dalalka Yemen, Lubnaan iyo Ciraaq," Ayaa lagu xusay warbixinta wasaaradda Arrimaha Dibedda ka aqrisay shirka golaha xukuumadda Somalia.

Eedaha loo jeediyay Iran ayaa waxaa ka mid ahaa weerar dad caraysan ku qaadeen safaaradda Boqortooyada Sucuudiga ku leedahay magalada Tehran.

72 saac ayay u qabteen in dhammaan dublamaasiyiinta dalka Iran uga baxaan gudaha Somalia.

Maaha dowladdii ugu horraysay ee katirsan Jaamacadda Carabta taasoo xiriirka u jarta dalka Iran, waxaana tani sii xoogaynaysaa khilaafka salka ku haya madhabta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM